Caawa Magaalada Warsaw waxaa ka dhici doono finalka tartanka Europa League-ga waxaana kulan xiiso badan uu dhexmari doonaa kooxaha Dnipro oo dalka Ukraine ah iyo Sevilla oo ka socota dalka Spain.
Kooxda uu hogaamiyo Macalin Unai Emery ayaa fursad u heysata iney difaacato hanashada koobkaan madama ay sanadii hore koobkaan ka xayubsadeen Benfica final ka dhacay magaalada Turin ee dalka Talyaaniga.
Kooxda reer Ukraine ee Dnipro maahan koox sahlan waxeyna heerkaan kusoo gaartay kadib guul ay ka gaartay Napoli oo ka mid aheyd kooxahii tartanka loo sadalinayay waxeyna u dabaal dagen gaaritaanka finalkii ugu horeeyay ebid ay gaaraan tartan yurub ah.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Dnipro vs Sevilla
Tartanka: Europa League
Heerka: FINAL
Garoonka: National Stadium
Magaalada: Warsaw, Poland
Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Macalin Myron Markevych ayaa nasiyay ciyaartoy badan kulankii ay todobaadkaan ciyaareen horyaalka si ay fursad ugu helaan iney wajahaan Sevilla.
Yevhen Shakhov ayaa shaki la galinayaa halka Yevhen Konoplyanka iyo Ruslan Rotan ay dib ugu soo labanayaan kooxda. Serhiy Kravchenko and Roman Zozulya ayaan ciyaari karin madama ay dhaawac yahiin.
Dhanka kale Sevilla waxaa ka maqnaan doona goolhaye Beto iyo daafacooda Nicolas Pareja kuwaas oo dhaawacan.
MA OGTAHAY:
Waa markii ugu horeysay oo ay labadaan kooxood is wajahaan taariikhda kubada cagta.
Dnipro waligeed hal jeer ayey la kulantay koox Spain ah waxeyna aheyd 2004/2005 EUFA Cup, markaasna guuldaro 2-1 ah ayey kala kulmeen Real Zaragoza.
Waa markii labaad taariikhda oo ay laba kooxood oo Spain iyo Ukraine ah finalka tartankaan isugu yimaadan.
Sanadii 1998 ayey Dynamo Kiev finalka European Cup Winners Cup ku garaacday Atletico Madrid.
Line Upka Macquulka Ah:
Dnipro:
Boyko; Matos, Cheberyachko, Douglas, Fedetskiy; Fedorchuk, Kankava; Konoplyanka, Rotan, Luchkevych; Seleznyov
Sevilla:
Rico; Coke, Carrico, Kolo, Tremoulinas; Krychowiak, Mbia; Vidal, Banega, Vitolo; Bacca