Home » Europe » Europe League » Hordhac: Sevilla vs Valencia: Hal Koox Oo Ka Socota Spain Ayaa Gaari Doonta Finalka Europa League

Hordhac: Sevilla vs Valencia: Hal Koox Oo Ka Socota Spain Ayaa Gaari Doonta Finalka Europa League


sevilla-v-valencia_europa_league

Labada kooxod ee ka dhisan dalka Spain ayaa caawa ku hardami doona Semi Finalka tartanka Europa League iyadoo ay iska cadahay in hal koox oo Spain ah ay tiigsan doonto Finalka Tartankaan oo lagu qaban doono magaalada Turin.

Kooxda Sevilla ayaa gaartay guul 9-kulan 10-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaartay La Liga waxeyna buris ugu jirtaa kasoo qeyb galya Champions League xili ciyaareedka dambe.

Kooxda martida loo yahay ee Sevilla ayaa ganaax ku weyn doonta daafacooda Coke waxaana booskiisa gali doona Diogo Figueiras sidoo kale Alberto Moreno ayaa kula biiri doona daafaca Sebastian Cristoforo iyo Denis Cheryshev.

Dhanka kale xili ciyaareed adag ayey Valencia u tahay iyadoo fadhisa kaalinta 8-aad ee horyaalka waxeyna 14-dhibcood ka dambeysaa Sevilla oo ay caawa la balansan tahay.

Kooxda Valencia ayaa mucjiso ku dhigtay F.C. Basel oo guul weyn kusoo gaartay gurigeeda markii ay 3-0 kusoo dhufteen balse wiilasha macalin Pizzi ee Valencia ayaa 5-0 laqsiiyay dhigooda Basel ciyaar waqti dheeri ah lagu daray oo ka dhacday Mastella Stadium.

Antonio Barragan iyo Javi Fuergo ayaa dib ugu soo laabanaya kooxda madama ay ganaax ku maqnaayeen, balse Diego Alves, Victor Ruiz, Philippe Senderos iyo Ricardo Costa ayaa dhamaan dhaawac ku seegi doona kulankaan.

Sevilla ayaan guuldaro kala kulmin 12-kulan oo ay Valencia kula ciyaartay gurigeeda tartamada oo dhan inkastoo Valencia aan 10-kulan looga adkaan gurigooda 11-kii kulan ee ugu dambeysay.

Valencia ayaan wax gool ah laga dhalin shan kulan Europa League lixdii kulan ee ugu dambeysay

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Sevilla (4-2-3-1): Beto – Figueiras, Fazio, Pareja, Navarro – Iborra, M’Bia – Reyes, Rakitic, Marin – Bacca.

Valencia (4-2-3-1): Guaita – Pereira, Fuego, Mathieu, Bernat – Parejo, Keita – Feghouli, Vargas, Fede – Alcacer.

 

Ciyaartaan waxaa saacada geeska Afrika laga daawan doonaa 10:05 Habeenimo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close