Magaalada Turin ee dalka Talyaaniga waxay caawo si qaas u soori doontaa kama dambeesta tartanka labaad ee qaarada Yurub ugu qiimaha badan waxaana ku wada hardami doonaan Sevilla oo calanka Spain wadato iyo Benfica oo iyadana sharafka Portugal difaaceyso, waxaana naga xasuusin ah in kulankan caawo uu xiiso gaar ah leeyahay madaama labadan naadi awood ahaan ay isku dheeli tiran yihiin sidoo kalena hamigooda uu aad u sareeyo waxaana la filan karaa Final aan horey loo arag in caawo la daawado, Sevilla waxay dooneysaa markii 3-aad inay tartankan ku guuleesato waayo 2-sano oo xariir ah ayay sare u qaaday 2006 iyo 2007 waxaana xiligaas la ran jiray UEFA Cup balse Benfica iyadana waxay dooneysaa inay iska reebto nasiib xumada ku habsatay waayo 7-final oo tartamada Yurub ah oo ay dhawaanahay cayaartan kooxdan dhamaan wey wada guul dareesatay sidaa darteed malxiisnimada inay ka baxdo ayay dhankeeda dooneysaa!
Xidigaha labadan naadi caawo ka maqnaan doonaan:
Sevilla xidiga ka maqnaan doonaaan: Denis Cheryshev (dhaawac), Sebastián Cristóforo (dhaawac), Jairo (ganaax), Vitolo (shaki ayaa ku jiro inuu safan karo)
Benfica xidigaha ka maqnaan doonaan: Silvio (dhaawac), Lubomir Fejsa (dhaawac), Enzo Pérez (ganaax), Eduardo Salvio (ganaax), Lazar Markovic (ganaax)
Kulamadii horey labadan naadi u dhex maray:
Labadan naadi hal mar ayay hada ka hor tartamada Yurub isku arkeen waxayna markaas ahayd 1957/58 wajigii hore ee koobka horyaalada Yurub, lugtii kowaad waxaa markaas 3-1 ku badisay naadiga Sevilla sidoo kalena lugtii labaad 0-0 ayay ku kala baxeen balse caawo xiligan casriga ah xifaaltan cusub ayaa u bilaaban doono.
Guud ahaan Sevilla 16-kulan ayay la cayaartay naadiyada ka dhisan dalka Portugal dhamaan tartamada kala duwan waxayna guuleesatay 8-kulan, 5-kulan iyada ayaa laga badiyay halka 3-kulana ay bar bar dhac la gashay waxaana naga xasuusin ah in isla xili cayaareedkan oo kaliya ay 4-kulan la cayaartay kooxaha reer Portugal isla tartankan.
Benfica guud ahaan iyadana 22-kulan ayay kooxaha reer Spain tartamada Yurub la cayaartay waxaa laga badiyay 10-ka mid ah halka 5-kulan ay guuleesatay sidoo kalena 7-kulana bar bar dhac ayay la gashay balse 14-kulan ee ugu dambeesay Benfica oo ay la cayaartay kooxaha reer Spain wax guul ah ma aysan arag!
Magaalada Turin labadan naadi kooxee ku nasiib badan:
Sevilla waa markii ugu horeesay oo ay magaalada Turin caawo ku cayaarto, laakiinkse Benfica nasiib wacan ayay magaaladan ku leedahay madaama ay marar badan Juvenus kula cayaartay markii ugu horeesay weliba kulankii ugu dambeeyay waxay 0-0 garoonkan kula gashay Juve taasi oo u saamaxday Benfica inay kama dambeesta tartankan usoo gudubto.
Imisa koob ayay tartamada Yurub labadan naadi ku guuleesteen:
Benfica iyo Sevilla min labo jeer ayay tartamada Yurub koobab ka heleen sidaa darteed dhankaas way ka siman yihiin, waxay kooxda reer Portugal ku guuleesatay koobka horyaalada Yurub sanadihii 1960/61 & 1961/62 halka Sevilla ay UEFA Cup ku guuleesatay sanadihii 2005/06 & 2006/07.
Habaarka Benfica ku habsaday caawo masoo afjarmi doontaa:
Naadiga Benfica waxaa habaaray macalinkoodii hore Bela Guttman oo u dhashay dalka Hungary waayo halyeegan wuxuu Benfica hogaaminaayay intii u dhaxeesay 1959 iyo 1962 wuxuuna u qaaday mudadii 3-sano ahay labo jeer horyaalka Portugal iyo labo jeer koobka horyaalada Yurub balse si xanuun badan ayuu Benfica isaga tagay madaama ay maamulkii waagaas Benfica wateen iyo macalinkan isku qilaafeen lacagahii mushaar ahaan loo siin jiray Guttman shaqadiisii ayuu waayay si fool xun ayaa xilka Benfica looga qaaday balse macalinkan hal oraah oo caan baxday ayaa afkiisa laga hayaa wuxuuna yiri “Benfica koob Yurub ah kuma guuleesan doonto 100-sano ee soo socoto!!” tan iyo maalinkaas waxaa laga joogaa 52-sano ilaa haatana Benfica 7-final tartamada Yurub oo ay cayaartay waa laga qaaday tolow caawo habaarka Guttman maka hari doonaa ama markii 8-aad ayaa koobka Yurub laga qaadi doonaa??
Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan naadi caawo kusoo gali doonaan:
Sevilla: Beto, Navarro, Pareja, Fazio, Coke, Carriço, Mbia, Vitolo, Rakitic, Reyes, Bacca
Benfica: Moraes, Garay, Luisao, Pereira, Siqueira, Gomes, Gaitan, Amorim, Djuricic, Lima, Rodrigo