Manchester United ayaa caawa la kowsan doonta maamul cusub markii Ryan Giggs si kumeel gaar ah loogu dhiibay xilka tababaranimo ee kooxda madama ay iska ceyriyeen David Moyes.
Manchester United ayaa u baahan guulo muhiim ah afarta kulan ee kaga dhiman horyaalka hadii ay dooneyso iney xajisato booskeeda Europa League xili ciyaareedka soo aadan, waxaana kooxda ay guuldaro xanuun badan kala kulantay Everton markii ay marti ugu noqotay gobolka Mereyside-.
Sidoo kale Norwich City ayaa iyana cabsi galisay Liverpool inkastoo 3-2 lagu garaacay iyadoo joogta gurigeeda, balse waxey ka ordeysaa iney sanadka dambe ka ciyaarto heerka labaad madama ay 2-dhibcood oo qura u jirto booska loogu laabto heerka labaad ee Championship-ka.
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA:
Manchester United ayaa kaliya tabeysa weeraryahankeeda reer Holland Robin Van Persie iyo daafaceeda bidix Patrice Evra kuwaas oo weyn doona kulankaan.
Dhanka kale Norwich City ayaa soo dhaweyn doonta Elliot Bannett kaas oo dhaawac mudo dheer kasoo laabanaya, inkastoo uusan jirin xidig kale oo dhaawac kaga maqan ama ganaax.
MA OGTAHAY:
Manchester United ayaan guuldaro kala kulmin Norwich City iyadoo ku ciyaareysa Old Trafford ilaa iyo markii ay Norwich usoo dalacday heerka koowaad sadex xili ciyaareed ka hor. [4-0] ayey ku garaacday 2012/2013, halka ay 2-0 ku garaacday xili ciyaareedkii 2011/2012.
Manchester United ayaa kaalinta 8-aad u jirta 7-dhibcood oo kaliya xili ciyaareedkaan.
Manchester United aya kulan walba ku dhalineysay gurigeeda 1.4, waana xaalad u eg murugo marka loo fiiriyo xili ciyaareedyarii ka horeeyay.
Labadii Xili Ciyaareed ee lasoo dhaafay Norwich ayaa kaliya 4-guul gaartay 36-kulan oo ay banaanka kusoo ciyaarta.
Kadib guuldaradii kasoo gaartay Liverpool iyagoo laba gool ka dhaliyay, Norwich ayaa ah kooxda ugu weerarka daciifsan madama ay dhaliyeen 28-gool kaliya, Crystal Palace ayaana la wadaagta.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
United: De Gea; Smalling, Jones, Evans, Buttner; Carrick, Fletcher; Welbeck, Mata, Valencia; Rooney
Norwich: Ruddy; Whittaker, Martin, Turner, Olsson; Redmond, Johnson, Howson, Fer, Snodgrass; Hooper