Manchester City ayaa caawa Etiahd Stadium ku martigalin doonta West Bromwich Albion kulan xiiso badan iyadoo wiilasha Pellegrini ay rumeysan yihiin in wali ay u taartami karaan hanashada horyaalka Ingiriiska walow Liverpool ay ka sareyso 9-dhibcod iyagoo laba kulan gacanta ku heysta.
Barbardicii dhamaadkii todobaadkii hore ayaa niyad xumo yar soo galiyay hamigooda horyaalka balse waxey doonayaan iney dagalamaan ilaa maalinta ugu dambeysa walow horyaalka ay ka harsan tahay 3-kulan oo qura.
Manchester City ayaana filaneysa iney cadaadis saarto Chelsea iyo Liverpool inkastoo labada koox ee ugu sareeya horyaalka ay wada ciyaari doona todobaadka soo socda.
YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA:
Kubad sameeyaha Manchester City David Silva ayaa shaki la galinayaa safashadiisa kulanka caawa madama uu canqawga dhibaato ka qabo, tababare Manuel Pellegrini ayaana horay uga samray Yaya Toure, sidoo kale Jesus Nevas aya isna 70% diyaar ah.
Matija Nastasic ayaan diyaar aheyn kaas oo dhaawacan tan iyo bishii February.
Dhanka kale West Bromwich Albion ayaa shaki galineysa safashada James Morrison iyo daafacooda reer Sweden Jonas Olsson inkastoo ay dhawaan dhaawac kasoo noqdeen, balse Zoltan Gera ayaan ka qeyb qaadan doonin kulankaan.
Sidoo kale xidiga Man City ay leedahay Scott Sinclair ayaan ciyaari doonin madama kooxdiisa loo baxayo
MA OGTAHAY:
Guushii ugu dambeysay oo ay West Brom ka gaarto Manchester City waxey aheyd ciyaar dhacday 2002/2003 markaas oo WBA ay heerka labaad u laabatay 2-1 ayeyna ku badiyeen.
Manchester City ayaa kaliya hal guul ku gaartay sadexdii kulan ee ugu dambeysay ee ay ku ciyaarto Etihad Stadium.
Sergio Aguero ayaa sadex jeer goolal ka dhaliyay afar kulan oo uu ka hor yimid kooxda West Brom
West Bromwichc Albion ayaa heshay laba guul oo waaweyn oo ay banaanka kusoo gaartay afartii kulan ee ugu dambeysay Swansea iyo Norwich ayeyna garaacday
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Manchester City - (4-2-3-1): Hart; Zabaleta; Kompany, Demichelis, Kolarov; Fernandinho, Garcia; Navas, Nasri, Milner; Agüero.
WBA - (4-2-3-1): Foster; Reid, McAuley, Olsson, Ridgewell; Mulumbu, Brunt; Amalfitano, Sessegnon, Dorrans; Vydra.