Wajiyo cusub ayaa la arki doonaa, waxaana daaha ka qaadmi doona xili ciyaareedka cusub marka ay galabta fooda is daraan labada kooxood ee Manchester City iyo Arsenal kuwaas oo ciyaaraya Finalka Koobka Community Shielka oo mar walba ay ku tartamaan labada kooxood ee ku kala guuleystay Koobabka FA Cupka iyo Premier League.
Gunners ayaa ka baxday abaartii koob la’aan ee heysatay mudo 9-sanadood ah kadib markii ay bishii May u dabaal dageen ku guuleysiga FA Cupka iyadoo 3-2 kaga qaaday kooxda Hull City, halka Manchester City ay iyana u dabaal dagtay ku guuleysiga Premier League markii labaad sadexdii sano ee lasoo dhaafay.
Galabta ayey isku wajahayaan garoonka ugu weyn Ingiriiska ee Wembley oo ay leeyihiin xulka Qaranka isla markaana lagu martigaliyo tartamada madaxa banaan kala baxa ah.
Kulanka: Manchester City vs Arsenal
Tartanka: Finalka Community Shield
Garoonka: Wembley Stadium
Saacada: 5:00 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)
Tababare Manuel Pellegrini ayaa waayi doona sided (8) ka mid ah xidigahiisa waaweyn kuwaas oo wali aan taam u noqon iney ciyaaraan madama ay xili dhaw kasoo noqdeen fasaxii koobka Aduunka, halka qaar kalana ay dhaawacan yihiin.
Kabtank Company, Zabaleta,l Demichelis, Aguero, Fernandinho iyo Sagna ayaan qeyb ku yeelan doonin kulanka galabta, halka sidoo kale Frank Lampard oo dhawaan ay amaah ku qaadatay ay macquul tahay inuu seego madama uusan kooxda wax badan la tababaran, waxaana intaas sii dheer in Negredo uu dhaawac ku seegi doono kulanka.
Sidoo kale waxaa ciyaarta laga yabaa iney nasiib u yeeshaan markii ugu horeysay kooxda tartan caalami ah xidigaha Cabellero iyo Fernando oo xagaagan kusoo biiray iyo sidoo kale wiilka ay dhaawacyada la dageen Jovetic.
Dhanka kale tababare Arsene Wenger ayaa waayi doona wiilasha reer Jarmal ee ku guuleystay koobkii Aduunka, Mertesacker, Ozil iyo Podolski.
Balse saxiixyada cusub ee kooxda Debuchy, Sanchez iyo Calum Chambers ay kusoo bilaaban doonaa, inkastoo wali David Ospina aysan muuqan inuu ka mid noqonaayo.
⇒ Manchester City waxey la kulantay kaliya hal guuldaro Sideedii (8) kulan ee ugu dambeysay ay la ciyaartay Arsenal (Guul 4, Barbardhac3, Guuldaro 1).
⇒ Lixdii Kulan ee ugu dambeeyay labadaan kooxood kulamada Horyaalka waxaa la bixiyay lix (6) Rooso, Man City Afar (4) ayaa loo taagay halka Arsenal loo taagay Labo (2).
⇒ Arsenal koobkii Community Shield ee ugu dambeeyay ay ku qaado Wembley waxey 2-1 kaga qaaday Manchester United 1999.
⇒ Markii ugu dambeysay oo ay koobkaan ciyaarto waxey aheyd 2005, inkastoo ay qasaaro 2-1 ah kala kulantay Chelsea kulan ka dhacay Millennium Stadium oo ku yaala Cardiff, halka markii ugu dambeysay oo ay qaadana uu ahaa 2004 iyagoo 3-1 ku qaarijiyay Manchester United.
⇒ 41-gool oo laga dhaliyay Arsenal xili ciyaareedkii hore, 17% waxaa ka timid sadex kulan oo arsenal xanuun badan ku reebay: Manchester City (6-3), Liverpool (5-1) and Chelsea (6-0).
⇒ Arsenal waxey lumisay afar kulan, lixdii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaarto Wembley, (1 Guul) (1 Barbardhac) (4 Guuldaro).
⇒ Ramsey ayaa dhaliyay 16-gool xili ciyaareedkii hore, wuxuuna 5-gool ka badan yahay marka lala barbardhigo isku darka shantii xili ciyaareed ee ka horeysay oo uu dhaliyay 11-gool wadar ahaan.
⇒ Manchester City waxey koobkaan ku guuleysatay afar jeer, balse waligeed kuma aysan qaadin Wembley.
⇒ Waxey ku guuleysteen sanadii 2002, iyagoo 2-3 kaga badiyay Chelsea, balse kulankaas wuxuu ka dhacay garoonka Villa Park ee Aston Villa ay leedahay.
⇒ Manchester City waxey guul gaareen shantii kulan ee ugu dambeysay horyaalkii ay ku guuleysteen iyagoo dhaliyay 14-gool, waxaana laga dhaliyay 3-gool oo qura.
Manchester City: Hart; Clichy, Kolarov, Richards, Nastasic; Fernando, Toure; Silva, Nasri, Jovetic; Dzeko
Arsenal: Szczesny; Debuchy, Koscielny, Chambers, Gibbs; Wilshere, Arteta, Alexis, Ramsey, Cazorla; Giroud.
hhhhhh wankapadiyey man city