Home » Falanqeynta » Hordhac: Liverpool vs Newcastle: Hamiga Reds Ee Champions League Oo Soo Laabtay

Hordhac: Liverpool vs Newcastle: Hamiga Reds Ee Champions League Oo Soo Laabtay


Liverpool-vs-Newcastle-United

Liverpool ayaa dooneysa iney dib ugu soo laabato wadadii guulaha kadib markii ay gudoontay laba guuldaro oo xanuun badan waxeyna haatan dooneysaa iney u dhameyso Newcastle kulan caawa ka dhici doona Anfield Road.

Rajada ay kooxdaan ka dhisan gobolka Merseyside ka laheyd usoo bixitaanka Champions League aya soo laabatay madama ay haatan 7-dhibcood u jirto booska afaraad iyadoo gacanta ku heysata kulankaan.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Newcastle

Tartanka: FA Premier League

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

 Mamadou Sakho ayaa seegi doona kulankaan kadib markii dhaawac dhanka muruqa ah uu soo gaaray, Adam Lallana ayaan ciyaari doonin ilaa isbuuca dambe, halka Balotelli uu wali xanuunsan yahay. Jordan Ibe ayaa dib ugu soo labanaya kooxda.

Dhanka kale Newcastle United ayaa weyneysa Dummett iyo De Jong kuwaas oo ilaa bisha May maqnaanaya, sidoo kale Haidara, Tiote iyo Taylor ayaa seegi doona ilaa dhamaadka xagaagan..

MA OGTAHAY:

Tan iyo 1992-dii markii la bixiyay magaca EPL-ka kulanka labadaan kooxood waxaa la iska dhaliyay 130-gool, waana kulanka sadexaad ee goolasha ugu badan la iska dhaliyay.

Liverpool ayaan laga adkaan dhamaan kulamadii ay ciyaartay 2015, marka laga reebo kulamadii ay guuldarooyinka is xiga ka heshay kooxaha United iyo Arsenal.

Newcastle waxaa la siiyay shan kaar cas shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaareen Anfield.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

LIVERPOOL:

Mignolet, Johnson, Can, Lovren, Moreno, Henderson, Lucas, Allen, Sterling, Coutinho, Sturridge

NEWCASTLE:

Krul, Taylor, Janmaat, Williamson, Colback, Sissoko, Gutierrez, Gouffran, Ameobi, Cabella, Perez

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>