Naadiga horyaalka hogaamineyso Liverpool waxay garoonkeeda Anfield ku marti qaadi doontaa Chelsea oo haatan kaalinta 2-aad kaga jirto Premiership-ka wiilasha macalin Brenden Rodgers hadii ay galabta guuleestaan waxay ku dhawaan doonaan in loo caleemo saaro guuleestayaasha horyaalka England dhanka macalin Jose Mourinho isaga horey ayuu u sheegay in kulankan kuluul iyo qabow midna uusan ku heyn kaliya wuxuu ka fikiraa sidii uu arbacada naadiga Atletico Madrid kaga taqalusi lahaa sidaa darteed Mourinho muxu bilaabay dagaalkiisa dhanka maskaxda mise waa ka dhab inuu Liverpool u fasaxo hanashada Premiership-ka!
Macalinka kooxda Liverpool Rodgers wuxuu saxaafada u sheegay in kooxdiisa uusan cadaadis saarneyn sidoo kalena Chelsea cadaadiska saaran yahay wuxuuna ka dhawaajiyay in Reds galabta hadafkeeda uu yahay inay guuleesato kulankeedii 12-aad waayo Man City oo kulan u harsan ayuu macalinkan ka walaacsan yahay mana doonayo in kooxdiisa ay kufto xili Premiership-ka uu gabo gabo ku dhow yahay.
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Daniel Sturridge ayaa lagu wadaa inuu galabta garoomada dib ugu soo laabto wuxuuna badali doonaa xidiga reer Brazil Lucas Leiva oo todobaadkii hore kulankii Norwich City cayaaray, balse Victor Moses kulankan kama qayb qadan doono madaama Chelsea milkiyadiisa leedahay Liverpool uma safan karo sidoo kale Jordan Henderson isagana ganaax ayuu ku maqnaan doonaa.
Dhanka Chelsea dhibaato badan ayaa heesato madaama labada hogaamiye Petr Cech iyo John Terry ay dhaawac ku maqnaan doonaan sidoo kale Ramires isagana ganaax ayuu ku seegi doonaa waxaa kaloo macquul ah in Eden Hazard iyo Samuel Eto’o uu macalin Mourinho nasiyo madaama ay dhaawacyo kasoo kabanayaan.
MA OGTAHAY
Line Up-ka ay labadan naadi galabta kusoo gali doonaan:
Liverpool: Mignolet, Johnson, Sakho, Skrtel, Flanagan, Gerrard, Allen, Coutinho, Sturridge, Sterling, Suarez
Chelsea: Schwarzer, Ivanovic, Cole, Cahill, Kalas, Lampard, Obi Mikel,Schurrle, Salah, Matic, Ba