Juventus ayaa Turin kusoo dhaweyn doonta kooxda Napoli oo xifaaltan iyo dagaal ugu jirta usoo bixitgaanka koobka Horyaalada Yurub xagaaga soo aadan inkastoo ay sadex dhibcood ka hooseyso kooxda SS Lazio oo booska ugu dambeeya fadhisa.
Kooxda Allegri uu hogaamiyo markii afaraad oo xiriir ah ayey ku guuleysatay horyaalka Scudetto, iyagoo sidoo kale ku guuleystay Coppa Italia oo ay ka qaadeen Lazio, waxeyna markaan indhaha ku hayaan kaliya Finalka Koobka Horyaalada Yurub oo ay horaanta June kula balansan yahiin Barcelona.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Juventus vs Napoli
Tartanka: Serie A Italia
Garoonka: Juventus Arena
Saacadda: 7:00 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Juventus kulankaan waxey ganaax ku weyneysaa Lichtsteiner, waxaana la filayaa inuu badali Simeone Padoin, sidoo kalana waxaa la filayaa in la nasiyo ciyaartoyda qaar ee muhiimka u ah kooxda.
Pirlo, Tevez, Chiellini ayaa laga yaabaa in la nasiyo halka Marchisio iyo Morata ay macquul tahay iney kusoo bilowdaan kulankaan.
Dhanka kale Kalidou Koulibaly ayaa ganaax kaga maqan Napoli, waxaana daafaca Raul Albiol lamaan kula noqon doona Miguel Britos.
Higuain ayaa la filayaa inuu kusoo laabto safka hore, halka Martens isna uu diyaar u yahay kulankaan.
MA OGTAHAY:
Napoli wali Juventus kuma soo garaacin gurigeeda tan iyo October 2009.
Kulankii ugu dambeeyay labada kooxood ee ka dhacan San Paolo waxaa Napoli lagu suldaaray 3-1.
Sidoo kalana Napoli waxey bilowgii xagaagan rigoorayaal kaga qaaday Juventus koobkii Super Coppa Italia.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Juventus:
Buffon, Padoin, Barzagli, Bonucci, De Ceglie, Sturaro, Marchisio, Vidal, Pereyra, Morata, Matri
Napoli:
Andujar, Maggio, Albiol, Britos, Ghoulam, Lopez, Inler, Callejon, Hamsik, Mertens, Higuain