Home » Europe » Champions League » Hordhac: Juventus vs Barcelona: Labada Kooxood Oo Isha Ku Haya Inuu Mid Walba Dhameestiro Sadxley Koobab Ah

Hordhac: Juventus vs Barcelona: Labada Kooxood Oo Isha Ku Haya Inuu Mid Walba Dhameestiro Sadxley Koobab Ah


Final

Magaalada Berlin ayaa caawa martigalin doonta finalka koobka Horyaalada Yurub markii ugu horeysay waxaana isku fara saari doona kooxaha Barcelona iyo Juventus.

Labadaan kooxood waxey kusoo kala guuleysteen horyaalada Serie A-da iyo La Liga sidoo kalana waxey kusoo kala guuleysteen Copa Italia iyo Copa del Rey mid walbana wuxuu doonayaa inuu dhameystiro koobabka sadexleyda inkastoo Barcelona aysan u aheyn markii ugu horeysay hadana Juventus ayey u tahay markii ugu horeysay hadii ay sameyso taariikhdaan.

Markii ugu horeysay ayey labadaan kooxood isku arkayaan kama dambeysta koobka horyaalada yurub waxaana sida dadka kubada cagta falanqeeya ay sheegeen in Barcelona ugu cad-cadahay.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Barcelona vs Juventus

Tartanka: Champions League FINAL

Garoonka: Olympiastadion

Wadanka: Jarmalka

Garsoore: Cüneyt Çakır (Turkey)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)

YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?

Daafaca lugta bidix ku ciyaara ee Juventus Giorgio Chiellini ayaan ciyaari doonin kulankaan kadib markii uu dhaawacmay mana ka hor imaan doono Suarez oo ay dhacdo xun dhexmartay July 2014., sidoo kalana waxaa horay kaga maqnaa Caceres iyadoo Barzagli uu taam yahay.

Angelo Ogbona ayaa sidoo kale diyaar ah kaas oo isna buuxin kara booska Chiellini. Allegri wiilashiisa hore ee Morata iyo Tevez waa u badqabaan waana u diyaar kulankaan.

Dhanka kale Barcelona ayaan iyadana wax walwal ah qabin madama ay u bad qabaan dhamaan ciyaartoyda  waxaana lagu daray liiska Iniesta oo dhaawac kaga maqnaa tababarkii ugu dambeeyay balse waa taam.

Lama oga iney kusoo bilabanayaan Xavi iyo Pedro madama aysan dooqa koowaad mar walba aheyn, Xavi ayaana safanaya kulankiisii 767-aad ee Barca waana kii ugu dambeeyay.

XAQIIQOOYINKA KULANKAAN:

Labadan kooxood hal jeer ayey tartankaan ku kulmeen waana sanadii 2003 markaas oo ay 3-2 isku cel-celis Semi finalka ugu gudubtay Juve waxeyna goolkaas kaga mahad celinayaan Marcelo Zalayata.

Sidoo kale Sideed jeer ayey tartamada yurub ku kulmeen marka la isku wada daro Juve ayaa 4-jeer guul gaartay, 2-jeerna Barca halka 2-da kalana ay barbaro galeen.

Hadii Juve ay qaado koobka caawa waxey ku biireysaa kooxaha qaaday koobabka sadexleyda oo kala ah: Celtic (1967), Ajax (1972), PSV Eindhoven (1988), Manchester United (1999), Barcelona (2009), Inter Milan (2010) and Bayern Munich (2013).

Hadii Barcelona ay qaado koobka caawa waxey noqoneysaa kooxda kaliya ee laba jeer ku celisay ku guuleysiga koobabka sadexleyda.

Labada kooxoodba Sideed jeer ayey finalka tartankaan imaadeen, Juve 2-kaliya ayey ku guuleystay 7-jeer oo ay horay u timid halka Barcelona 7-jeer oo ay final timid ay 4-jeer qaaday.

Sadexdii final ee ugu dambeysay oo ay Barcelona timado finalka koobkan wey qaadatay 2006. 2009 iyo 2011: waxeyna ka kala qaaday Arsenal iyo Laba jeer oo Man United ah, halka Juve sadexdii final ee ugu dambeeyay laga wada qaaday Dortmund, Real Madrid iyo Milan ayaana ka xayuubsaday.

Kooxaha talyaaniga iyo Spain 7-jeer oo hada ka hor ay ayey ku kulmen finalka koobkaan, Spain ayaa ku guuleysatay 5-jeer, halka talyaaniga ay qaadeen 2-jeer oo qura, markii ugu dambeysayna waxey aheyd 1998 markaas oo ay Juve 1-0 guuldaro ah kala kulantay Real Madrid final ka dhacay Amsterdam.

Meel ku qoro waa markii ugu horeysay oo finalka koobkaan la qabtay bisha June.

LINE UPKA MACQUULKA AH

Juventus: Buffon; Lichtsteiner, Bonucci, Barzagli, Evra; Pirlo, Pogba, Marchisio, Vidal; Morata, Tevez

Barcelona: Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; Neymar, Suarez, Messi

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>