Home » Falanqeynta » Hordhac: Juventus Vs AC Milan, Kulan Aad U Xiiso Badan

Hordhac: Juventus Vs AC Milan, Kulan Aad U Xiiso Badan


Juventus-vs-AC-Milan-Coppa-Italia-2013-1

Kooxaha Juventus iyo Milan ayaa ku wada balansan kulanka ugu adag todobaadkan Serie A-da dalka Talyaaniga labadan koox ayaa siyaabo kala duwan kulankan ugu baahan inay guul ka gaaraan waayo Juve waxay rabtaa hogaanka Serie A-da usii dhawaato halka Milan hadafkeeda uu yahay hoos u dhaca ay xili cayaareedkan ku bilaawday inay gadaal iska mariso, Juve kulankan waxay wajihi doontaa kulankan ayadoo soo guuleesatay Serie A-da 3-kulan ee ugu dambeesay, Milan todobaadkii hore guusheedii labaad ayay xili cayaareedkan gaartay sidaa darteed kulankan waxay cayaari doontaa ayadoo niyada u dhisan tahay.

Aqbaar la xariirto xidigaha labadan naadi:

Naadiga Milan waxaa heesato dhibaato xoog leh madaama ay inta badan ka dhaawacan yihiin xidigaheeda ugu muhiimsan sida Matías Silvestre, Kaká, Giampaolo Pazzini, Daniele Bonera, Mattia De Sciglio, Stephan El Shaarawy iyo            Valter Birsa sidoo kalena Mario Balotelli isna ganaax ayuu ku maqnaan doonaa.

Dhanka Juve iyadana qaar ka mid ah xidigaheeda ayaa kulankan seegi doonaan waxaana ka mid ah ragga ka maqnaan doonaan Rubinho, Simone Pepe, Mirko Vucinic, Stephan Lichtsteiner  iyo Martín Cáceres

Dhacdo la xariirto kulankan:

  • Kooxda Juve ayaa 36-kulan oo ay magaalada Turin ku qaabishay dhigeeda Milan guuldaro dhabarka u saarisay halka Milan ay iyadana garoonka Juve taariikh ahaan Serie A-da ku badisay 21-jeer sidoo kalena 21-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen.
  • Juve ayaa guuleesatay 8-ka mid ah 9-kulan ee ugu dambeesay oo ay Serie A-da ku cayartay garoonkeeda.
  • AC Milan ayaa ugu yaraan 2-gool laga dhalinaayay 3-kulan ee ugu dambeesay oo ay ku cayaartay meel ka baxsan garoonkeeda horyaalka Talyaaniga.
  • Kooxda Milan ayaa heesato iskoorka guusha ugu weyn kulan dhex maray labadan naadi waayo xili cayaareedkii 1949/50 Milan waxay 7-1 uga badisay dhigeeda Juventus!
  • Xili cayaareedkii hore kulankii lagu wada cayaaray magaalada Turin waxaa 1-0 ku badisay naadiga Juve ayadoo rigoore ama gool ku laad uu u dhaliyay Artur Vidal.

Line Up-ka macquulka ah oo ay labadan naadi kusoo gali doonaan:

Juventus: Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Isla, Vidal, Pirlo, Marchisio, Asamoah; Tevez, Quagliarella

Milan: Abbiati; Zaccardo, Zapata, Mexes, Constant; Poli, De Jong, Muntari; Montolivo, Robinho; Matri

Sadaasha kulankan laga bixiyay: Juventus 2-0 AC Milan.


Waxaa Aqrisay: (106)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>