Kooxda difaacaneysa Champions League ayaa wajahi doonta naadiga difaacanaya Europe League iyadoo labada dhinac ay yahiin Spanish waxeyna caawa ku ciyaari doonaan garoonka Cardiff City ee gobolka Wales dalweynaha Britain.
Los Blancos ayaa dooneysa iney ku guuleysato koobkaan markii ugu horeysay tan iyo 2002 halka kooxda Sevilla ay dooneyso iney u dabaal dagto koobkaan markii ugu horeysay tan iyo 2006.
Si kastaba garoonka Cardiff City Stadium caawa waa wada Spain waxaana soo xaadiri doona taageerayaal reer Spain ah inkastoo kuwa deegaanka qudhooda ay noqon doonaan saacado kooban “LA ROJA”
Kulanka: Real Madrid vs Sevilla
Tartanka: UEFA SUPER CUP
Garoonka: Cardiff City Stadium
Saacada: 9:45 (Xiliga Geeska Afrika)
Real Madrid ayaa weyneysa burburiyaheeda Xabi Alonso kaas oo kulan ganaax ah garka loo galiyay markii uu si sharci daro ah ula dabaal dagay kooxdiisa Real Madrid markii ay qaaday Champions League isagoo ganaaxnaa.
Sidoo kale CR7 ayaa la filayaa inuu kasoo muuqdo kulankaan kaasoo dhaawacyo ay hareeyeen dhamaadkii xili ciyaareedkii tagay.
Tababare Ancelotti ayaa magacaabay 22-xidig oo uu kaga hortagayo Sevilla waxaana ka mid ah saxiixyada cusub: James Rodriguez, Toni Kroos iyo Keylor Navas.
Dhanka kale Sevilla ayaa Madrid ka hortageysa iyadoo uu ka maqan yahay kabtankii u hogaamiyay koobka Europa League Ivan Rakitic kaas oo Barcelona ku biiray, basle Denis Suarez ayey laba sano amah ah ku heleen.
Stéphane M’Bia oo ka mid ah wiilashii la qaaday koobka ayaa ka maqan kaas oo ku laabtay kooxidisa madama ay dhamaatay mudadii amaahda.
Real Madrid ayaa ugu dambeyn gaartay hami ay raadineysay mudo badan markii ay ku guuleysatay (La Decima” oo ah koobka 10-aad ee horyaalada Yurub, iyadoo usoo martay wado dheer oo halis ah.
Kooxda Real Madrid waxey ku jirtay Groupka B iyadoo kula jirtay kooxaha Galatasaray, Juventus iyo Coppenhegan waxaana ay kusoo baxday dhibcihii ugu badnaa iyadoo keensatay (16-dhibcoo).
Kadib kasoo bixitaankii wareega Groupyada Los Blancos ayaa is daba dhigtay sadex kooxood oo Jarmal ah (Schalke, Dortmund & Bayern Munich).
Ugu dambeyntiina Finalka ayey si rafaad hore leh oo raaxo dambe leh kaga qaaday kooxda ay caasimad xifaaltanka yahiin ee Atletico Madrid ciyaar kusoo dhamaatay 4-1.
Marka loo eego dadaalka Real Madrid ay bixisay Sevilla ayaa kaga badan xaga dhibtoonta waxeyna kooxdaan soo martay ka hor wareega groupyada ee Europe League laba isreeb-reeb oo ah heerka sadexaad iyo kala baxa iyadoo labadaas soo qaarijisay kooxaha Mladost Podgorica iyo Śląsk Wrocław.
Sevilla waxey gashay Groupka H, waxeyna kaga soo baxday dhibcaha ugu badan iyadoo keensatay (12 Dhibcodo).
Kadib kasoo bixitaanka Wareega Groupyada Sevilla waxey is daba dhigtay kooxaha: Maribor, Real Sociedad, Porto & Valencia ka hor inta aysan Finalka gool ku laad 4-2 ah kaga qaadin Benfica oo markii labaad oo xiriir ah lumisay.
Sevilla 2-1 Real Madrid
Real Madrid 7-3 Sevilla
Real Madrid 4-1 Sevilla
Sevilla 1-0 Real Madrid
Real Madrid 3-0 Sevilla
⇒ Waa markii ugu horeysay oo ay laba koox oo Spanish ah isku wajhaaan finalkaan Uefa Super Cup tan iyo 2006 markaas oo ay isugu soo hareen kooxaha Sevilla iyo Barcelona.
⇒ sidoo kalana Sevilla ayaa markii sadexaad kasoo muuqaneysa Finalkaan tan iyo markii la bilaabay 1972, waxeyna ku guuleysteen 2006, markaas oo ay 3-0 ku xaaqeen Barcelona, inkastoo sanadii xigtay ee 2007 ay guuldaro 3-1 ah kala kulmeen Milan.
⇒ Real Madrid ayaa markii ugu horeysay ciyaareysa Finalka UEFA Super Cup tan iyo 2002 markaas oo ay qaadeen koobkii 9-aad ee Champions League, waxeyna horay u ciyaareen sadex jeer kaliya sanadii 2002 ayey qaadeen.
⇒ Kulanka u dhaxeeya labadaan kooxood mudooyinkii ugu dambeeyay wuxu noqday mid goolal badan la iska dhaliyo waxeyna wadar ahaan iska dhaliyeen labada dhinac 38-gool todobadii (7) kulan ee ugu dambeysay.
⇒ Mid ka mid ah kulamadii ay ciyaareen xili ciyaareedkii lasoo dhaafay labada kooxood ayaa iska dhaliyay (10-gool) ciyaar ku dhamaatay 7-3, kulan ka dhacay Bernebau.
⇒ Sevilla Shantii kulan ee ugu dambeysay waxey guuleysatay Shan (5) ka mid ah halka Real Madrid ay guuleysatay Sadex (3) ka mid ah mana jirto barbardhac.
⇒ Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood barbardhac galaan waxey aheyd xili ciyaareedkii 2005/2006 kulan ku dhamaaday 2-2, Julio Baptista ayaana Madrid barbardhaca u keenay.
REAL MADRID:
Casillas; Carvajal, Pepe, Ramos, Coentrao; Kroos, Modric; Bale, Rodriguez, Ronaldo; Benzema
SEVILLA:
Beto; Coke, Pareja, Fazio, Moreno; Krychowiak, Denis, Carriço, Iborra; Aspas, Bacca
Profile