Arsenal ayaa caawa fiidkii marti u noqon doonta kooxda ka dhisan gobolka Mereyside-ka ee Everton xili kooxda ay baahi dhanka khadka dhexe ah heysato madama uu dhaawac ka yahay Mikel Arteta oo laba isbuuc garoomada ka maqanaan doona.
Gunners kulankeedii furitaanka horyaalka waxey si dhib badan ku dhaaftay Crystal Palace kulan xiiso leh oo ka dhacay garoonka Emirates, balse talaadadii ayey kuleyl kala kulmeen kooxda reer Turkey ee Besiktas lugta hore wareega Play off-ka Champions League kulan ka dhacay Ataturk Olympic Stadium.
Sidoo kale Everton waxey guuldaro ka badbaaday kulankii furitaanka madama ay barbaro ka heshay kooxda Leicester City ee haatan kasoo dalacday heerka labaad kulan ay marti u noqotay.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Everton vs Arsenal
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Goodison Park
Saacadda: 7:30 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN YAASE CIYAARAYA?
EVERTON
Everton waxey tabeysaa hogaamiyahooda Ross Barkley kaas oo dhaawac ah, Aroyna Kone iyo Bryan Oviedo oo iyaguna dhaawac ku maqan.
John Stones ayaa diyaar ah sidoo kale Coleman ayaa laga yaabaa inuu dib ugu soo laabto kooxda kadib dhaawac uu kasoo toosay iyadoo McGeady iyo Naismith ay iyaguna diyar garow ku jiraan.
ARSENAL
Kabtanka kooxda Mikel Arteta ayaa seegi doona kaas oo dhaawac kala kulmay kulankii Besiktas ee talaadadii sidoo kale kooxda ma heli doonto xidigaha: Gibbs, Sanogo, Gnabry, Walcott iyo Miyaichi.
Sadexda wiil oo jarmalka ah ayaan wali taam u aheyn kulanka, inkastoo maanta gelinka hore la saari doono tijaabadii ugu dambeysay suuragalna ay tahay in midkood uu kusoo bilowdo ama uu qeyb ka qaato kulanka.
XAQIIQDA KULANKA:
Guushii ay Everton ka gaartay dhigeeda Gunners bishii April ee sanadaan ayaa ka dhignaatay iney soo afjartay 13-kulan oo ay guul ka qaadi weysay horyaalka Ingiriiska.
Arsenal ayaa ah kooxda kaliya oo iyadoo marti ku ah Goodison Park ku dhalisa lix gool, waxeyna sameysay August 2009 ciyaar ku dhamaatay 6-1.
Steven Naismith ayaa dhaliyay Afar gool sidoo kalana caawiyay laba gool, sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska.
Arsenal afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaarto Everton guul kama gaarin.
Arsenal guul ma aysan gaarin laba kulan oo xiriir ah furitaanka horyaalka Ingiriiska tan iyo 2009. (Guulahaasna waxaa ku jirtay Eveton).
Eveton waxey dhalinayeen ugu yaraan laba gool lixdii kulan ee ugu dambeysay horyaalka ingiriiska ay ku ciyaareen gurigooda.
Balse laba ka mid ah lixdaas kulan iyadoo dhalisay laba gool ayey guuldaro 3-2 ah la kulantay.
Arsenal waa kooxda ugu badan ee kulamada banaanka soo adkaatay horyaalkii dhamaaday 2013/2014, (11) kulan ayey badiyeen.
XIDIGAHA LA DAAWADO:
Lukaku, Baines, Barry( Everton)
Ramsey, Sanchez, Cazorla (Arsenal)
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Everton:
Howard; Coleman, Jagielka, Distin, Baines; McCarthy, Barry; McGeady, Naismith, Pienaar; Lukaku
Arsenal:
Szczesny; Debuchy, Chambers, Koscielny, Monreal; Arteta, Ramsey; Cazorla, Wilshere, Sanchez; Giroud
SAADAASHA:
Everton 1-2 Arsenal
Profile