Chelsea ayaa maanta soo dhaweyn doonta kooxda Norwich City kulan labada kooxood ay u baahan yihiin dhibco si ay midba uga fakarto xaalada heysata ee ay dhexda kaga jirto, Blues ayaa dooneysa iney si kumeel gaar ah u gasho kaalinta labaad halka Norwich ay dooneyso iney madaxa kala soo baxdo booska looga haro horyaalka heerka koowaad.
Chelsea ayaa kulankeedii ugu dambeeyay guul weyn ka gaartay Liverpool, xili Norwich City ay guuldaro xanuun badan kala kulantay wiilasha Ryan Giggs ee Manchester United kuwaas oo ku ciilbaxay markii ay 4-0 ku quusiyeen.
Rajada ay ka leedahay Norwich City iney kasii mid ahaat 20-ka kooxood ee xili ciyaareedka soo aadan ka qeyb qaadan doona Premier League ayaa ceel kusi dhaceysa iyadoo u baahan iney labadaan kulan ee ugu dambeysa guul gaarto isla markaana Sunderland ay la kulanto laba guularo, xusuusta ku haay in Norwich ay kulanka dambe la ciyaareyso Arsenal.
Hadii maanta ay guuldaro la kulanto Norwich waxey xaqiijineysaa u laabashada heerka labaad iyadoo ku biiri doonta kooxaha Fulham iyo Cardiff oo shalayto xaqiijiyay booskooda u laabashada heerka labaad.
OGEYSIISKA CIYAARTA:
Kulanka: Chelsea vs Norwich
Garoonka: Stamford Bridge
Saacadda: 6:00 Maqribnimo Xiliga Geeska Afrika
YAA MAQAN, YAASE CIYARAYA?
John Terry oo ka qeyb qaatay kulankii Champions League ayaa diyaar ah inuu ciyaaro sidoo kale Peter Cech ayaa la filayaa inuu qey ka noqdo.
Hazard iyo Eto’o oo kulankii Atletico Madrid ka qeyb qaatay ayaa diyaar ah balse Ramires ayaa ganaax ku seegi doona kulankaan.
Norwich ayaan dhaawac qabin inkastoo laga doonayo iney badasho qaabkii xumaa ee ay ku wajaheen Man United sadexda weeraryahan ee Elmender, Hooper iyo Wolfswinkel ayaana wali la go’aansan qofka kusoo bilabayana.
Tetty ayaa kusoo bilaabanaya khadka dhexe.
MA OGTAHAY:
Norwich City ayaa la kulantay 8-guuldaro oo ay banaanka kusoo ciyaareen kulamadii ugu dambeeyay horyaalka.
Ba, Torre & Eto’o ayaa dhaliyay isku darka goolashoda 18-gool, halk Hazard uu dhaliyay 14-gool.
Norwich ayaa ah kooxda ugu gool dhaliska xun xili ciyaareedkaan markii ay dhaliyeen 28-gool oo qura.
Hazard ayaa abuuray goolasha ugu badan xidig walba oo Premier League ah wuxuuna abuuray 87-jaanis balse maahan iney dhamaan gool wada noqdeen.
LINE UPKA MACQUULKA AH: