Garoonka Stamford Bridge ayaa caawa qaabili doona ciyaar aan soo jiidasho laheyn oo ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Chelsea iyo Atletico Madrid, madama ay labadaan kooxood leeyihiin isku qaab, ah in la dagaalamo iyo in difaac la galo.
Diego Simeone iyo Jose Mourinho hogaankooda ayaa ciyaarta saameyn ku yeelan karta kuwaas oo ah laba macalin oo aad u isbiirid badan isla markaana gaari kara go’aan walba iyo waji walba oo ay ciyaartu leedahay.
Lugtii hore labadaan kooxood ayaa ku kala baxay 0-0, iyadoo waan wax gool ah la iska dhalin ayaa hadana laba dhaawac ay dhacday Terry, iyo Cech ayaana ciyaarta laga saaray inkastoo ay taam soo noqden.
YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?
Kooxda martida loo yahay ayaa soo dhaweyneysa daafacooda reer Serbia Bransilav Ivanovic kaas oo ganaax kasoo kacay, waxaase ganaax kaga maqnaan doona Frank Lampard iyo John Obi Mikel, halka Mohamed Salah iyo Matic aysan ka qeyb qaadan karin madama ay kooxo kale tartankaan uga qeyb galeen.
Willian iyo David Luiz ayey xaajadu joogtaa kuwaas oo looga baahan yahay iney is ilaaliyaan madama ay qabaan min hal jaale halisna ugu jiraan iney seegaan finalka Champions League hadii ay kooxdooda soo gudubto.
Jose Mourinho ayaa helay war farxad leh markii loo sheegay in Et’o, Hazard, Terry iyo Cech ay macquul tahay iney ka wada qeyb qaataan kulanka caawa.
Dhanka kale Atletico Madrid ayaa weyneysa kabtankooda Gabi kaas oo laba jaale ku maqan, halka Insua, Juanfran iyo Koke ay qarka u saaran yihiin iney seegaan finalka hadiiba kooxdooda ay soo baxdo.
Ma jiro xidig dhaawac kaga maqan kooxda Atletico Madrid.
OGEYSIISKA CIYAARTA:
Kulanka: Chelsea vs Atletico Madrid
Tartanka: Champions League
Wareega: Semi Finalka (Lugta Labaad)
Garoonka: Stamford Bridge (London)
Garsooraha: Nicolas Rizzoli [Italy]
Saacadda: 9:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
MA OGAHAY:
Atletic Madrid ayaa xili ciyaareedkaan garaacday sadex kooxood oo horay ugu soo guuleystay Champions League: Porto, Milan & Barcelona.
Chelsea ayaan guuldaro kala kulmin kooxaha Spain 16-jeer tartanka Champions League, iyadoo markii ugu dambeysay oo ay guuldaro kala kulanto ay aheyd February 2006, Semi finalka ayaa waxaa ku garaacay Barcelona.
Atletico Madrid ayaa kaliya laga dhaliyay 5-gool, 10-kulan oo Champions League ay horay u ciyaartay, waana naadiga ugu difaaca adag tartanka.
Diego Costa ayaa dhaliyay 7-gool Champions League, isagoo ka badan weeraryahanada Chelsea kuwaas oo dhaliyay isku darka goolashooda 3-gool: Eto’o Torres iyo Ba.
Kulankaan wuxuu u dhaxeeyaa labadii koox ee labadii sano ee ugu dambeeyay qaaday Europa League.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Chelsea: Schwarzer; Azpilicueta, Terry, Cahill, Ivanovic; Ramires, Luiz; Oscar, Willian, Hazard; Eto’o
Atletico: Courtois; Juanfran, Miranda, Godin, Felipe Luis; Garcia, Gabi, Tiago, Koke; Villa, Costa
QAABKEY KUSOO KALA BAXAAN LABADA KOOXOOD:
Chelsea:
1. Iney Guul Gaarto waxey doonto haba ahaatee
Atletico Madrid
1. Barbardhac aan aheyn gool la’aan
2. Iney guul gaarto waxey doonto haba ahaatee
DHEXTAAL:
Barbardhac gool la’aan ah waxaa lagu dari doonaa 30-daqiiqo, ilaa ay ka gaarto Rigoore.