Home » Falanqeynta » Hordhac: Brazil vs Holland: Xulalkii Ku Fashilmay Iney U Gudbaan Finalka Oo Caawa Isku Dhagan

Hordhac: Brazil vs Holland: Xulalkii Ku Fashilmay Iney U Gudbaan Finalka Oo Caawa Isku Dhagan


Fashil Final

Labada Xul ee kusoo guuldareystay iney u gudbaan finalka koobka Aduunka ayaa caawa isku haya magaalada Brasilia ee dalka Brazil halkaas oo ay ku ciyaari doonaan kulanka kaalinta sadexaad oo ay xaq u yeesheen iney ku dagaalamaan.

Brazil waxey xasuuq aan ka dhicin Semi Finalka Koobka Aduunka ebid kala kulantay Jarmalka markii 7-1 lagu suldaaray, halka wiilasha Louis Van Gaal ay rigoore ku qasaariyeen iney usoo gudbaan Finalka markii Vlaar iyo Sneijder ay laba rigoore ka qasaariyeen kulankii Argentina.

Si Kastaba labada xul caawa waxey mid walba dooneysaa iney iska dhaqdo ceebtii kasoo gaartay tartankaan haba ugu darnaatee Brazil oo dib u heleysa maareeyaheeda Thiago Silva,

MAXAA CUSUB?

Marka laga reebo dhaawaca Neymar JR,  waxaan jirin xidig muhiim ah oo ka maqan xulka Brazil halka Holland ay sidoo kale tabaneynin dhaawac muuqda.

Xidigo aan wali fursad u helin iney kasoo muuqdaan Koobka Aduunka ayaa la filayaa iney caawa soo muuqdaan.

Luiz Felipe Scolari and Louis van Gaal meet on Saturday


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Brazil vs Holland (Kaalinta 3-aad)

Magaalada: Brasilia

Garoonka: Estadio Nacional

Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

Garsooraha: Djamel Haimoudi (Algeria)


MA OGTAHAY?

⇒ Labadaan Xul Waxey kulmeen 9-kulan, iyadoo xul walba uu guuleystay 2-kulan.

⇒ Xasuuqii 7-1 ay Brazil kala kulantay Jarmalka waxey aheyd guuldaradii ugu cusleyd ebid koobka Aduunka kasoo gaartay iyo sidoo kale guuldaradii ugu horeysay ee gurigooda kusoo gaartay mudo 39-sano ah.

⇒ Brazil ayaa noqotay wadankii ugu horeeyay ee Semi Finalka Koobka Aduunka qeybta hore ee ciyaarta laga dhaliyo 5-gool.

⇒ Luiz Felipe Scolari ayaa la kulmay guuldaradii ugu horeysay ebid kasoo gaartay koobka Aduunka isagoo wata Brazil.

⇒ Guuldaradii Netherlands kasoo gaartay Argentina ee Semi Finalka Koobka Aduunka ayaa la mid ah iney markii labaad Semi Finalka ku lumiso rigooreyaal, waxeyna guuldaradii ugu dambeysay kala kulmeen Brazil 1998-dii.

⇒ Waa Kulankii ugu dambeeyay Louis Van Gaal ee Holland, ka hor inta uusan qaban Manchester United, Guus Hiddink ayaana badali doona kaas oo caawiye ka dhigan doona Ruud Van Nistelrooy.

⇒ Brazil waa wadanka ugu badan ee koobka Aduunka goolal laga dhaliyo (11) ayaa laga dhaliyay markii ugu dambeysay oo goolal intaan la eg laga dhaliyo waxey aheyd 1938.

⇒ Holland waxey dhaliyeen 12-gool, Wareegii Groupyada iyo 16-ka, balse waxey ku fashilmeen iney gool dhaliyaan Quater Finalkii iyo Semi Finalkii

KULANKII UGU DAMBEEYAY KOOBKA ADUUNKA:

Labadaan Xul Waxey ku kulmeen kulankoodii ugu dambeeyay koobka Aduunka 2010, wareega 16-ka waxaana 2-1 ku badiyay Holland, Felipe Melo ayaa iska dhaliyay madax kadib laad uu soo qaaday Sneijder, iyo madax ka yimid Robben, halka Robinho uu dhaliyay goolka Brazil, waxaana xusid mudan sidoo kale in Melo uu casaan qaatay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Brazil (Possible, 4-2-3-1): Cesar; Maicon, Luiz, Dante, Marcelo; Gustavo, Fernandinho; Willian, Oscar, Hulk; Fred.

Holland (Possible, 5-3-2): Cillesen; Kuyt, De Vrij, Vlaar, Martins Indi, Depay; Wijnaldum, Sneijder, Blind; Robben, Van Persie.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close