Home » Falanqeynta » Hordhac Brazil vs Germany: Scolari Oo Mar Kale Doonaya Inuu Dhabar Jabiyo Wiilasha Jarmalka

Hordhac Brazil vs Germany: Scolari Oo Mar Kale Doonaya Inuu Dhabar Jabiyo Wiilasha Jarmalka


Brazil vs Germany

Xulka koobka aduunka martigalinaayo Brazil waxay caawo wajihi doonaan dhigood Germany nus dhumaadka koobka aduunka balse Brazil caawo waxaa ka maqnaan doonaan labo ka mid ah xidigahooda ugu muhiimsan, lakiin taageerayaasha Brazil caawo waxay isku baheesan doonaan sidii ay Jarmalka kaga taqalusi lahaayeen sidoo kalena riyadooda ay axada nagu soo fool leh u rumeyn lahaayeen, diyaar garowda kulankan adag oo ay labadan xul ugu jiraan waxaa hareeyay dhaawacii Neymar soo gaaray madaama 22-jirkan la xaqiijiyay inuusan koobka aduunka inta ka harsan ka qayb qaadan doonin kadib markii dhaawac jab ah uu kasoo gaaray dhanka dhabarka.

Macalinka xulka Jarmalka Joachim Low ayaa ka walaacsan halista Brazil kaga imaan karto wuxuuna yiri  “Brazi kuma tiirsano Neymar iyo Silva oo kaliya waxaana ka walaacsanahay halista nooga imaan karto madaama ay gurigooda joogaan sidoo kalena dadaal dheer ah ay xidigahan muujin doonaan si aan loo oronin Neymar ayay tabeen!”


WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: FIFA World Cup 2014 Semi Final

Taariikhda/Saacada: July 8, 2014 • 11:00 PM xiliga geeska Afrika

Goobta: Estádio Governador Magalhães Pinto, Belo Horizonte

Garsooraha: M. Rodríguez (Mexico)


Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha labadan xul:

Brazil waxaa xaqiiqo ah inaysan caawo u safan doonin Neymar iyo Thiago Silva dabcan maqnaan shaha labadan xidig niyad xumo ayay ku riday inta badan taageerayaasha reer Brazil.

Dhanka xulka Jarmalka waxaa kulan ka maqnaan doono daafaca dhalinta yar Shkodran Mustafi oo horey loo xaqiijiyay inuusan koobka aduunka dib u cayaari doonin madaama uu dhaawac halis ah dhanka muruqa hoose ka qabo sidoo kale Per Mertesacker isagana hargab daran ayaa haayo balse midaas kama celin doonto inuu kursiga keydka soo fariisto kulankan adag.

Dhacdo La Xariirto Kulankan Xiisaha Badan:

  • Brazil waxay Finalaha u gudbeen 6-jeer ee ugu dambeesay oo ay nus dhumaadka tartankan soo gaareen.
  • Jarmalka ayaa noqday xulkii ugu horeesay ee 4-jeer oo xariir ah nus dhumaadka koobka aduunka soo gaaro wuxuuna iskoorkan dhigay (2002, 2006, 2010 iyo 2014)
  • Cayaartan waa kulankii labaad oo ay taariikh ahaan labadan xul koobka aduunka ku kulmaan.
  • Xulka Jarmalka waxaa ugu dambeesay oo ay koobka aduunka hantaan sanadii 1990 dabcan sidii labada Jarmal u midoobeen xulkan koob aduun ma qaadin!
  • Macalin Luis Felipe Scolari waa tababarihii watay markii Brazil ay koobka aduunka 2-0 kaga qaadeen xulka Jarmalka sanadii 2002.

Guud Ahaan Kulamada Ay Labadan Xul Cayaareen:

Guud ahaan labadan xul waxay wada cayaareen 21-kulan waxaana xusid mudan in xulka Brazil ay guuleesteen 12-jeer halka Jarmalka ay badiyeen 4-kulan sidoo kalena 5-kulan bar bar dhac ayay ku kala baxeen. Brazil waxay Jarmalka ka dhaliyeen 39-gool halka Jarmalka uu isagana Brazil ka dhaliyay 34-gool.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Brazil: Julio Cesar; Maicon, David Luiz, Dante, Marcelo; Luiz Gustavo, Fernandinho; Hulk, Oscar, Willian; Fred

Germany: Neuer; Lahm, Boateng, Hummels, Howedes; Khedira, Schweinsteiger, Kroos; Ozil, Muller, Gotze

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close