Home » Maxaa Cusub » Hordhac: Brazil vs Colombia: Xulalka Reer Koonfur America Oo Caawa Isku Jabi Doona

Hordhac: Brazil vs Colombia: Xulalka Reer Koonfur America Oo Caawa Isku Jabi Doona


bazil

Martigaliyayaasha Brazil ayaa caawa tijaabo adag mari doona iyagoo u dhawaan doona iney ku guuleystaan koobkoodii 6-aad ee Aduun taariikhda koobkaan xili ay martigalinayaan koobka.

Xulka Colombia ayaa heysta xidigaha ugu fiican tartanka walina muran uma galin iney kulan badiyaan dhamaan afartii kulan ee ay horay u ciyaareen waa ay badiyeen guushii ugu weyneyd waxey ka gaareen Japan oo ay 4-gool ka dhaliyeen.

Brazil qudheeda afartii kulan ee ay ciyaarta waxey si raaxo leh uga badisay xulalka Croatia iyo Cameroon iyagoo barbardhac la galay Mexico ciyaar 0-0 kusoo idlaatay, sidoo kale Chile ayey 1-1 la galeen inkastoo ay kaga soo gudbeen rigoore.

Hogaamiyaha Gooldhalinta Koobka Aduunka James Rodriguez ayaa caawa ciyaari doona kulankiisii shaanaad iyadoo la xasuusto in afartii kulan ee uu ciyaaray uu shabaqa soo taabtay isagoo dhaliyay 5-gool.

Sidoo kale hogaamiyaha Brazil, Neymar JR ayaa shabaqa soo taabtay sadex kulan afartii kulan oo uu horay u ciyaaray isagoo dhaliyay afar gool.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Brazil vs Colombia

Magaalada: Fortaleza

Garoonka: Estadio Castelao

Garsoore: Carlos Velasco Carballo [Spain]

Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

MA OGTAHAY?

⇒ 25-jeer oo ay kulmeen labadaan xul kaliya 2-kulan ayey badisay, markii ugu dambeysay oo ay badisayna waxey aheyd 23-sano ka hor mana dhalan wiilka ay ku faanaan ee James Rodriguez.

⇒ Brazil; 15-guul oo ay gaartay Colombia waxaa ka mid ah xasuuqyo ay taariikhda xustay oo dhacay: Koobkii Ameerica 1957-dii markaas oo Colombia 9-0 lagu xaaqay sidoo kale  6-2 ayaa looga adkaatay Rio De Jinero 1969-kii, ugu dambeyntiina 1977-dii ayaa lagu dilay 6-0.

⇒ Gool walba oo ay dhalinayeen Colombia waxaa laga dhalinayay 5-gool ugu yaraan.

⇒ Colombia waa wadanka labaad ee ugu goolasha badan koobka Aduunka kaliya Netherlands oo 11-gool dhaliyay ayaa ka badan.

⇒ Xulka Shanta jeer heysta Koobka Aduunka waligiis loogama badin gurigiisa waxaana ugu dambeysay sanadii 1975-tii markaas oo Peru ay ku garaacday Coppa America 3-1 ayaana lagu dilay.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Brazil: Cesar, Alves, Silva, Luiz, Fernandinho, Marcelo, Hulk Fred, Willian, Neymar, Oscar,

Colombia: Ospina, Zuniga, Armero, Sanchez, Zapata, Yepes, Cuadrado, Aguilar, Gutierrez, Rodriguez, Martinez

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close