Kooxda Juventus ayaa caawa marti ku ah dalka Portugal iyadoo lugta hore ee Semi Finalka tartanka Europa League la ciyaari doonta kooxda Benfica oo sanadkii hore finalka istaagtay, inkastoo Juve ay maanka ku heyso in finalka sanadkaan lagu qaban dono gurigeeda.
Labada kooxood ayaa guulo gaaray todobaadkaan kulamadooda horyaalada Portugal iyo Italy iyadoo Juve ay 1-0 ku qaarijisay Bologna halka Benfica ay 2-0 ku tuntay Olhanense.
Carlos Tevez ayaa dhaawac kasoo laabanay kaas oo waayay labadii kulan ee ugu dambeyay ay Juve ciyaaray horyaalka Serie A-da talyaaniga, sidoo kale waxaa Juve waxaa ka maqnaan doona Brazagli oo dhaawac ah.
Arturo Vidal ayaa shaki la galinayaa safashadiisa kulanka caawa iyadoo sidoo kale Benfica ay weyn doonto Eduardo Salvio kaas oo gacanta ka jabay kulankii isbuucaan ee horyaalka ay ciyaareen.
MA OGTAHAY:
Waa Markii ugu horeysay oo ay Semi Final timaado Juve tartamada yurub tan iyo 2003 markaas oo ay finalka tartanka lumisay waxaana rigooreyaal kaga qaaday Milan kulan ka dhacay Old Trafford.
Benfica ayaa gaartay Finalka tartankaan sanadii hore iyadoo qasaaro kala kulantay Chelsea.
Juventus ayaan laga adkaan 12-kii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku ciyaartay gurigeeda tartamada yurub
Sidoo kale Benfica ayaa semi finalka soo gaartay 2010-2011
LINE UPKA MACQUULKA AH:
SL Benfica (4-4-2) – Artur – Maxi Pereira – Garay – Luisão – Siqueira – Enzo Pérez – André Gomes - Gaitán – Markovic – Lima Rodrigo
Juventus (3-5-2)- Buffon – Bonucci – Chiellini – Cáceres – Pirlo – Pogba – Isla – Lichtsteiner – Marchisio – Tévez – Llorente
OGEYSIISKA CIYAARTA:
Tartanka: Europa League
Kulanka: Benfica vs Juventus
Garoonka: Estádio da Luz
Garsoore: Cuneyt Çakir (Turkey)
Qaadka Garoonka: 65647
Ciyaartaan waxaa saacada geeska Afrika laga daawan doonaa 10:05 Habeenimo.