Home » Maxaa Cusub » Hordhac Belgium vs USA: Kabtan Dempsey Oo Doonaya Inuu Xulkiisa Usoo Saaro Wareega 8-da

Hordhac Belgium vs USA: Kabtan Dempsey Oo Doonaya Inuu Xulkiisa Usoo Saaro Wareega 8-da


USA_BELG_friendly

Xulka Belgiumka ayaa wajahaya caawa USA iyadoo labada xul ay wacdaro kasoo dhigeen koobka Aduunka, waxase caawa midkood la filayaa inuu ku biiro liiska 8-da wadan ee usoo baxay wareega Quater Finalka tartanka.

Belgiumka waxey kusoo baxday kaalinta 1-aad Group H iyadoo 9-dhibcood keensatay sadex kulan oo ay ciyaartay, sidoo kale USA ayaa keensatay 4-dhibcood oo kali ah iyadoo kaalinta labaad ka gashay Group G.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Belgium vs USA

Magaalada: Salvador

Garoonka: Arena Fonte Nova

Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska

MAXA CUSUB?

Belgiumka ayaa ciyaari doona la’aanta daafacooda Steven Defour kaas oo qalad xun galay kulankii ay South Korea ka horjeedeen wareega Groupyada hal kulan oo ganaax ah ayaana garka loo galiyay.

Sidoo kale Kabtanka Xulka Vincent Kompany ayaa laga yabaaa inuu seego kaas oo waayay tababarkii Axadii.

Dhanka kale USA ayaan wax dhibaato ah qabin iyadoo dhamaan wiilasha macalin Klinsmann ay diyaar yihiin iyagoo dib u helaya Jazy Altidore oo labadii kulan ee ugu dambeysay ku seegay dhaawac muruqa ah.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Belgium (4-2-3-1): Courtois; Alderweireld, Kompany, Van Buyten, Vermaelen; Witsel, Fellaini; Mertens, E Hazard, De Bruyne; Lukaku.

USA (4-1-4-1): Howard; Gonzalez, Johnson, Besler, Beasley; Beckerman; Zusi, Bradley, Jones, Davis; Dempsey.

Garsoore: Djamel Haimoudi (Algeria).

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close