Waaya macalin Luis Enrique ee Barcelona ayaa ahaanaya mid si rasmi ah daaha looga qaado kulamada rasmiga ah madama caawa ay Barcelona ciyaareyso kulankii ugu horeeyay oo heer caalami ah kadib markii xilka loo dhiibay macalinkaan reer Spain ee kooxda horay ugu soo ciyaaray.
Barcelona oo xili ciyaareedkii hore soo istaagtay meel maran madama aysan ku guuleysan wax koob ah ah waxey caawa Camp Nou kusoo dhaweyn doontaa kooxda Elche.
Bulgrana caawa waxaa laga doonayaa waji ka duwan midkii xili ciyaareedkii hore, iyadoo Lionel Messi oo xagaagii lasoo dhaafay ay dhaawacyo hareeyeen uu caawa diyaar yahay.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Barcelona vs Elche
Tartanka: La Liga Primera Division
Garoonka: Camp Nou
Saacadda: 10:00 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika).
YAA MAQAN YAASE CIYAARAYA?
BARCELONA:
Barca waxey caawa weyn doontaa goolhayaheeda cusub ter Stegen iyo sidoo kale wiilasha Vermaelen, Adriano iyo Song kuwaas oo dhaawacyo kaga maqan kooxda, balse waxey dib u heleysaa Dani Alves, Pique, Montoya iyo Alba.
Dhanka kale Neymar ayaa la filayaa inuu kulankaan seego inkastoo warbaahinta qaar ay suuragal ka dhigeyso inuu ciyaari karo kulankaan hadana Enrique ayaan halis gali doonin xidigiisa sida xaqiiqda u dhaw.
ELCHE:
Kooxda yar ee martida ah caawa ma jiraan wax dhibaato dhanka dhaawaca ah oo ku qasbi kara iney daciif noqoto, iyadoo ay diyaar u yahiin wiilkii hore Juventus Milos Krasic iyo xidiga ay amaahda kaga heysato Chelsea ee Pasalic oo dhawaan ku biiray kooxdaas.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Barcelona (4-3-3):
Bravo; Alves, Piqué, Mathieu, Alba; Busquets, Rakitić, Iniesta; Rafinha, Messi, Neymar
Elche (4-2-3-1):
Manu; Damian, Lomban, Pelegrin, Albacar; Pasalic, Adrian; Krasic, Mosquera, Rodrigues; Jonathas
Wariye Abdirazack (Taki)
24 August, 2014 at 11:08 AM
Ciyaartan waxay insha Allah Ku soo idlaan doontaa Barca 4-0 Elche Hattrik Leo Messi 1 Munir Ama Neymar Haddu Ciyaaro