Barcelona ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda Bayern Munich lugta hore semi finalka Champions League, xili kooxda ka dhisan gobolka Catalunya ay diyaar u tahay iney ka aargudato dhigeeda wixii ay ku dhigtay 2013 xili ay doorkaan oo kale isku arkeen markaasna 7-0 ayaa lagu suldaaray Barca.
Si kastaba Tito Valinova ayuu ahaa macalinkii ay qasaradaas ku dhacday wuxuuna ahaa caawiyihii macalin Pep Guardiola kaas oo haatana macalin u ah Bayern Munch.
Sidoo kale in Pep Guardiola yimaado Camp Nou ayaa ah arin aad u qiiro badan madama Jamaahiirta Bulgarana aysan iloobi doonin maalmihii macalinkaan ee kooxdan madama uu 4-sanadood u qaaday 14-koob waana sheeko taariikh quseysa.
Dhanka kale Bayern waxey la tacaaleysaa dhaawacyo halakeeyay kooxdooda waxaana seegaya kulankaan xidigo muhiim u ah.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Barcelona vs Bayern Munich
Tartanka: Champions League
Garoonka: Camp Nou
Saacadda: 9:45 Habaanimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Pep Guardiola ma nasiib badna madama uu Barca ku wajahayo koox dhibaatooyin dhaaawac la tacaaleysa, David Alaba, Badstuber, Robben, Ribery iyo Rode ayaa gabi ahaanba kulanka seegaya, balse Lewandowski ayey macquul tahay inuu ciyaaro kaas oo lasoo safray kooxda.
Luis Enrique ayaa isna weynaya Jeremy Mathieu kaas oo tababarka ku dhaawacmay mana jiro xidig kale oo dhaawac kaga maqan kooxda Barcelona.
MA OGTAHAY:
Bayern Munich waxey kasoo muuqatay Semi finalkii afaraad oo xiriir ah kaliya Bareclona oo (6-jeer) ah iyo Real oo (5-jeer) ah ayaa ka badan in si isku xigta loga soo muuqdo Semi Finalka Champions League.
Barcelona kaliya hal jeer ayey guul gaartay 8-jeer oo ay tartamada yurub isku arkeen Bayern Munich, 2-barbardhac iyo 5-guldaro ayeyna heshay.
Thomas Muller ayaa noqday xidiga jarmalka ah ee goolasha ugu badan ka dhaliyay Champions League wuxuuna shabaqa gaaray 27-jeer.
Barcelona wey ku fashilantay iney gool dhaliso 197-dii daqiiqo ee ugu dambeysay oo ay Bayern ka hortagto, waxaana ugu dambeeyay gool uu Keita ka dhaliyay 14-kii April 2009.
Lionel Messi ayaa sadex gool ka qeyb qaatay shantii gool ee ugu dambeysay oo ay Barca ka dhalisay Bayern, 2-gool iyo hal caawinaad.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Barcelona:
Ter Stegen; Alves, Pique, Mascherano, Alba; Busquets, Rakitic, Iniesta; Suarez, Messi, Neymar.
Bayern Munich:
Neuer; Bernat, Benatia, Boateng, Rafinha; Lahm, Schweinsteiger, Alonso; Thiago, Gotze; Muller
abdi kariim korneelka
6-May-2015 at 4:54 pm
dhaman asxapta wan idin salmy salan kadib kulanka cawa waa uu ku dhamanaa barca 1:1 bayern munich