Home » Falanqeynta » Hordhac: Barcelona vs A. Madrid: Kulanka Go’aaminaya Horyaalka La Liga Oo Ka Dhacay Camp Nou

Hordhac: Barcelona vs A. Madrid: Kulanka Go’aaminaya Horyaalka La Liga Oo Ka Dhacay Camp Nou


Barca ahaa

Xili Ciyaareed waali ah ayaa soo maraya horyaalka Spain oo goor sii horeysay lagu kala bixi jiray, balse haatan waa in la sugo ilaa kulanka ugu dambeeya kaas oo caawa dhexmari doona kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid kulan xiiso badan oo ku qabsoomi doona garoonka aan booqashadiisa la jecleen ee Camp Nou.

Real Madrid wey ka hartay tartanka kaliya Atletico iyo Barca ayuu u furan yahay inkastoo labada kooxood ay kala fursad wacan yihiin.

FURSADDA ATLETICO MADRID:

Kooxda Atletico Madrid waxey heystaan laba fursadood oo ay ku qaadi karaan horyaalka, barbardhac iyo badis labadaba balse guuldaro ayey ku weyn karaan La Liga.

FURSADDA BARCELONA:

Barcelona waji aan guul aheyn uma banaana waana iney guul gaarto haba ku yaradeene goolasha waxeyna u dabaal dagi doontaa horyaalka hadii ay sidaas sameyso.

Horyaalka La Liga waxaa caawa soo mareysa 90-daqiiqo oo qiiro iyo ilmeyn ay ka dambeyn doonto marka natiijada dhinac u dhacdo Atletico ayaana raadinaya 18-sano kadib koobkoodii ugu horeeyay ee La Liga 1995-1996 ayaana ugu dabeysay.

YAA MAQAN, YAASE SOO LAABTAY?

Neymar JR, Gerard Pique iyo Jordi Alba ayaa si toos ah ugu soo laabtay Barcelona, halka Atletico Madrid ay soo dhaweyneyso weeraryahankooda Asal Brazilka ah ee qaatay dhalashada dalka Spain Diego Costa.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

BARCELONA: Pinto, Pique, Mascherano, Alba, Alves, Xavi, Busquets, Iniesta, Neymar JR, Lionel Messi, Sanchez

ATLETICO MADRID: Courtios, Godin, Luis, Juanfran, Miranda, Koke, Gabi, Tiago, Turan, Villa, Diego Costa

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close