Tababare Jose Mourinho ayaa markiisii sadexaad imaaday Semi Finalka Champions League isagoo hogaamiye u ah kooxda Chelsea 2005 & 2007 ayuu horay u yimid waxaase si isku mid ah uga ciribtiray kooxda Liverpool oo labadaas jeer marna ku guuleysatay marna ku guuldareysatay.
OGEYSIISKA CIYAARTA:
Kulanka: Atletico Madrid vs Chelsea
Taranka: Champions League
Wareega: Semi Final
Garoonka: Vincent Calderon (Madrid, Spain)
Garsooraha: Jonas Eriksson (Sweden).
Si Kastaba kooxda Atletico Madrid ayaan gurigeeda looga adkaan xili ciyaaredkaan kulamada horyaalka Ingiriiska sidoo kalana guuldaro lama kulmin 10-kulan oo ay ciyaarta Champions League xili ciyaareedkaan.
Ma Jirto koox ingiriiska ka socota oo kusoo adkaatay garoonka Vincent Calderon taariikhda, iyadoo kooxda Atletico Madrid ay kasoo muuqaneyso Semi Finalka tartankaan markii ugu horeysay tan iyo 1974.
YAA MAQAN YAASE CIYAARI DOONA?
Bransilav Ivanovic ayaa ka maqnaan doona Chelsea kaas oo ganaax ku maqan waxaase la filayaa in Ashley Cole uu galo dhanka bidix halka Cesar Azpilicueta uu ka dagaal gali doono dhanka midig.
Eden Hazard ayaa shaki la galinayaa safashadiisa inkastoo uu la safray kooxda hadana tababarkii shalay kama qeyb qaadan, Samuel Eto’o ayaa ka haray kooxda Blues ee safarka u gashay Madrid madama uu xanuun dareemayo.
Goolhaye Peter Cech ayaa diyaar ah kaas oo seegay kulankii sabtigii ay guuldarada kala kulmeen Sunderland, Matic iyo Salah ayaana ka qeyb qaadan doonin madama ay tartankaan soo ciyaareen.
Dhanka Atletico Madrid Arda Turan ayaa dib ugu soo laabtay kaas oo dhaawac kaga maqnaa mudooyinkii dambe inkastoo sidoo kale loo ogolaadan in Thribaut Courtios uu wajaho kooxda milkiyadiisa iska leh ee Chelsea.
MA OGTAHAY:
Atletico Madrid oo aan waligeed guuldaro gurigeeda ah kala kulmin kooxaha Ingiriiska, Shan Wey ka badisay, afarna barbardhac ayey la gashay.
Chelsea ayaa badisay 3-jeer kaliya 14-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay booqdeen dalka Spain, iyagoo barbardhac 2-2 la galay Atletico Madrid 3-November-2009.
Atletico Madrid ayaa ah kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay kooxaha Semi Finalka iyadoo 5-gool oo qura laga dhaliyay 10-kii kulan ee ay ciyaartay Champions League.
Atetico Madrid ayaa ah kooxda goolasha ugu yar laga dhaliyay La Liga 22gool ayaana laga dhaliyay.
Emiliano Insúa, Koke, Juanfran iyo Gabi ayaa halis ugu jira iney seegaan lugta labaad madama ay jaalayaal qabaan
David Luiz, Frank Lampard, John Obi Mikel iyo Willian ayaa ayagana halis ugu jira iney seegaan lugta labaad hadii ay jaaleyaal qaataan
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Atletico: Courtois; Juanfran, Miranda, Godin, Filipe; Suarez, Gabi, Koke, Turan; Villa; Costa
Chelsea: Cech; Azpilicueta, Cahill, Terry, Cole; Lampard, Ramires; Oscar, Willian, Schurrle; Eto’o