Home » Falanqeynta » Hordhac: Arsenal vs West Brom: Wiilasha Wenger Oo Ciyaaraya Iyagoon ka Walwalsanen Champions League

Hordhac: Arsenal vs West Brom: Wiilasha Wenger Oo Ciyaaraya Iyagoon ka Walwalsanen Champions League



Wiilasha Wenegr ayaa gurigooda Emirates kusoo dhaweyn doona West Bromwich Albion, xili kooxda Waqooyiga London ka dhisan aysan walwal ka qabin iney weyso booska ay u dagaalameysay ee Champions League madama guuldaradii Everton ay u sahashay iney xaqiiqsato booskeeda.

Kaliya kulankaan wuxuu xamaasad u leeyahay West Bromwich Albion oo dooneysa ineysan u laaban heerka labaad xili ciyaareedka soo aadan kaliya afar dhibcood ayey u jirtaa booska looga haro iyadoo Sadex kulan ay u harsan tahay marka lagu daro kulanka maanta.

Arsenal ayaa isku dhigaalin doonta Finalka Koobka FA Cupka oo ay 14-ka bishaan la ciyaari doonto Hull City.

OGEYSIISKA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs West Brom

Garoonka: Emirates Stadium

Saacadda: 3:30 Galabnimo Xiliga Geeska Afrika

YAA MAQAN, YAASE CIYAARAYA?

Arsenal ayaa ah kooxda ugu ciyaartoy maqnaashaha badan dhanka dhaawaca: Gibbs, Wilshere, Walcott, Myachi, Gnabry, Diaby & Chamberlain ayaa dhamaantood seegi doona kulankaan.

Sagna ayaa la filayaa inuu maqnaado madama uu dhaawac yar qabo balse Jenkinson ayaa buuxin doona hadiiba uu awoodi waayo inuu ciyaaro maanta.

Dhanka kale West Bromwich Albion ayaa iyadana weyneysa Steven Reid, Gera, Ridgewell, halka daafacooda Gareth McAuley la filay inuu kusoo laabto kooxda manta.

MA OGTAHAY:

Kulankii labadaan kooxood ee xili ciyaareedkaan ayaa kusoo dhaaaday 1-1, Wilshere ayaa goolka barbardhaca u dhaliyay Arsenal gool uu la hormaray Yocob.

Waa sanadkii sadexaad oo ay Arsenal si dirqi ah ugu so baxeyso Champions League booska afaraad labadii sano ee ugu dambeysay Koscielny ayaa laba gool ku badbaadiyay laba kulan oo ay lakala ciyaareen West Brom iyo Newcastel.

Arsenal ayaa dhalineysay gool 15-kii kulan ee ugu dambeysay ee ay la ciyaartay West Brom.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal: Szczesny; Sagna, Monreal, Mertesacker, Koscielny; Ramsey, Cazorla, Arteta, Ozil, Podolski; Giroud

West Bromwich Albion: Foster; Jones, Dawson, Olsson, Brunt; Dorrans, Morrison, Amalfitano, Mulumbu; Berahino, Sessegnon

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close