Waxaa hubaal ah in caawo kulankan labadan xul dhex mari doono uu noqon doono mid sanado badan laga sheekeen doono, madaama Argentina Vs Holland uu ka dhaxeeyo xifaaltan soo jireen ah, marnaba lama iloobi karo sanadii 1978 xulka Holland koobka aduunka laga xayuubsaday sidaa darteed cayaartan xiiso gaar ah ayay leedahay.
Macalin Louis van Gaal wuxuu muujiyay inta uu tartankan socdo inuu yahay tababar aan loo gali karin waayo bilaabashadii koobka aduunka Holland kama mid ahayn xulalka la sadaalinaayay inaay qaybaha u dambeeyo soo gaari doonaan balse Van Gaal ayaa la yimid qorshe aduunka ka yaabiyay.
Alejandro Sabella tababaraha xulka Argentina waxaa lagu amaanay in markii ugu horeesay mudo 24-sano kadib uu xulkan soo gaarsiiyo heerkan oo kale sidoo kalena Lionel Messi hogaamiyaha buuxo ee xulkan ayuu ka dhigan.
Argentina kubad qaab difaac ku dheehan ayay tartankan kusoo bandhigeen sidoo kalena waxay noqdeen xul guusha la qabatimay.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Argentina vs Netherlands
Magaalada: Sao Paulo
Garoonka: Arena de Sao Paulo
Saacada: 11:00 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika
Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:
Sergio Aguero ayaa dib ugu soo laabtay xulka Argentina kadib markii uu kasoo kabtay dhaawacii dhanka muruqa balse Argentina waxaa ka maqnaan doono xidigooda ugu muhiimsan Angel Di Maria oo dhaawac dhanka muruqa ah soo gaaray sidoo kalena la filaayo inuu gabi ahaanba tartankan seego.
Geeska kale Argentina waxaa dib ugu soo laaban doono daafaceeda garabka bidix Marcos Rojo oo kulankii wareega 8-aad ganaax ku maqnaa.
Dhanka xulka Holland Nigel De Jong ayaa kulankan seegi doono madaama horey loo xaqiijiyay inuusan tartankan cayaari doonin, sidoo kale daafaca Holland Vlaar isagana jug ayuu qabaa balse waxaa la filaa inuu ku cayaaro dhaawacan.
Sedex Xog Oo Muhiim U Ah Natiijada Kulankan Laga Filan Karo:
3-Cayaaryahan Oo Kulankan Go’aamin Karaan Labada Dhinac:
Argentina: Lionel Messi, Javier Mascherano iyo Martin Demichelis
Holland: Arjen Robben, Wesley Sneijder iyo Robin Van Persie
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Holland: Cillessen; Vlaar, De Vrij, Martins Indi; Kuyt, Wijnaldum, Sneijder, Blind; Robben, Van Persie, Depay.
Argentina: Romero; Zabaleta, Demichelis, Garay, Rojo; M. Rodriguez, Gago, Biglia; Messi, Aguero, Higuain.
Profile