Home » Falanqeynta » Hordhac: Ac Milan vs Inter Milan: Kulanka Derby Della Madonnina Oo Caawa Sansiro Ka Dhici Doona

Hordhac: Ac Milan vs Inter Milan: Kulanka Derby Della Madonnina Oo Caawa Sansiro Ka Dhici Doona


Inter-vs-Milan-Derbi-Italia

Kooxaha isku magaalada ah ee Inter Milan iyo Ac Milan ayaa caawa ku ciyaaraya garoonka Sansiro oo ay wada leeyihiin balse caawa Ac Milan ayaa marti loogu yahay.

Kooxda Milan ayaa todobaadkii ugu dambeeyay guuldaro xanuun badan kala kulantay As Roma oo ay ugu martiyeen Olympico markii ay 2-0 lagu dhuftay.

Ac Milan ayaa wali rajo wanaagsan ka leh iney soo aado Europa League iyadoo hal dhibic ka hooseysaa Torino oo ku jirta booska lixaad oo ah kan ugu dambeeya ee Europa League ay ugu tartamaan kooxaha talyaaniga ka dhisan.

Labadaan kooxood ayaa ku jira xaalad adag marka loo fiiriyo boosaska ay jogaan waxaana lagu yaqaanay sadexa boos ugu horeysay iney tiigsadaan balse haatan Juve, Roma iyo Napoli ayaa ku dhameystay booskoodii.

Inter Milan ayaa guul ka gaartay Milan kulankii hore ee ka dhacay Sansiro oo Inter marti loogu ahaa 1-0 ayeyna wiilasha Walter Mazarri ku adkaadeen.

Inter Milan ayaa kulankii ugu dambeeyay barbardhac la gashay Napoli kulan marti loogu ahaa Sansiro waxeyna ka koreeyaan Milan 6-dhibcood iyagoo sadex kulan gacanta ku heysta.

Jorge Pires iyo Walter Samuel ayaa kasoo laabanaya ganaax kuwaas oo qeyb ka noqon doona kulanka caawa ay dhigooda Milan la ciyaari doonaan.

OGEYSIISKA KULANKA:

Kulanka: Ac Milan vs Inter Milan

Garoonka: Sansiro Stadium

Saacadda: 9:45 Habeenimo Xiliga Geeska Afrika

LINE UPKA MACQUULKA AH:

AC Milan: Abbiati; Bonera, Mexes, Rami, Constant; Essien, Montolivo, Taarabt, Kaka, Honda; Balotelli

Inter Milan: Handanovic; Campagnaro, Nagatomo, Ranocchia, Andreolli, D’Ambrosio; Cambiasso, Hernanes, Kovacic; Palacio, Icardi

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Close