Xulka Holland oo ka walwalsan dhaawaca kabtankooda Robin Van Persie ayaa guul muhiim ah xalay ka gaaray dhigooda Wales oo ay martiqaadeen.
Arjen Robben ayaana xalay noqday geesiga xulka Oranje oo uu hogaamiyo Louis Van Gaal waxeyna guul kusoo xireen kulamadii isreeb-reebka ee ka hor koobka Aduunka iyagoo 2-0 ku garaacay dhigooda.
Bandhiga goolasha waxaa furay xidiga Bayern Arjen Robben kaas oo qeybta hore ciyaarta waxaana hurdo u diray Wales Jeremain Lens oo qeybtii dambe ciyaarta goolka labaad ka dhaliyay.
Kadib dhamaadkii ciyaarta Louis Van Gaal ayaa walwal ka muujiyay xaalada caafimaad ee kabankiisa kaas oo laga cabsi qabo inuu seego kulamada ugu horeeya tartanka koobka Aduunka oo 12-ka June bilaaban doona.
Dhanka kale ciyaar fowdo noqotay dhamaadkeedii ayaa Miami ku dhexmartay Ingiriiska iyo Ecuador waxaana fowdadaas ay dhexmartay Sterling iyo Antonio Valencia oo ka kala tirsan kooxaha Liverpool & Man United waxaana ay muteysteen caasaan daqiiqadii 79-aad xili ay barbaro ku kala tageen labada xul ciyaar ku dhamatay 2-2.
Xulka Latin America kazoo jeeda ee Ecuador ayaana goolka ku hormaray daqiiqadii 8-aad ee ciyaarta Enner Valencia ayaa shabaqa dhex dhigay, waxaase so barbareeyay Rooney daqiiqadii 29-aad, saxiixa cusub ee Liverpool Lambert ayaana sadexda libaax hogaanka u dhiibay daqiiqadii 51-aad balse Ecuador ayaa iska soo guday daqiiqadii 70-aad Arroyo ayaana shabaqa soo taabtay ugu dambeyntiina barbardhac ayaa lagu kala baxay.
Sidoo kale Argentina oo kaashaneysa kabtankeeda Lionel Messi ayaa 3-0 ku dhaaftay xulka awoda yare e Trinidad and Tobacco waxaana ay goolasha kaga mahad celinayaan Palacio, Mascherano & Maxi.
Palacio ayaa qeybta hore dhamaadkeedii dhaliyay goolka furitaana halka Mascheran iyo Maxi ay qeybtii labaad is raacsadeen laba gool kulankaan oo ka dhacay Boines Aires. Argentina ayaa iyana ka walwaleysa dhaawaca Higuain oo 15-daqiiqo xanuun dareemay lagana saaray ciyaarta.
Ugu dambeytiina Italy ayaa dareemeysa xaalad adag markii ay barbardhac la gashay xulka Luxembourg ciyaarta ayaana kusoo idlaatay 1-1.
Mario Balotelli iyo Pirlo ayaa kusoo bilawday iyadoo wiilasha Azzurri ay goolka ku hormareen daqiiqadii 9aad ee bilawgii qeybta hore balse dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 85aad ayey Luxembourg heleen barbardhac.
Si kastaba xulka Italy ayaa ku jira groupadag isagoo Group D kula jira England, Uruguay & Costa Rica.