Weeraryahankii hore kooxaha Blues, Milan & Parma Hernan Crespo ayaa u digay xulka Argentina kulana taliyay iney soo dhaweystaan Helicopter ay ku baxsadaan hadii ay qaadaan koobka Aduunka ee Finalkiisa ka dhici doona Maracana Stadium July 13.
Iyadoo Argentina ay raadineyso koobkeedii Aduun ee ugu horeeyay tan iyo 1986-dii markaas oo ugu dambeysay hadana Hernan Crespo oo dhaliyay 35-gool, 64-kulan oo uu xirtay maaliyada Argentina ayaa aaminsan in xulkiisa ay ka bixi karaan abaarta koob la’aan iyagoo qaadi kara koobkaan Aduunka.
“Hadii Argentina ay qaado koobka Aduunka ee Brazil, waxaan kula talinayaa iney helaan Helicopter sababtoo ah waa la dili doonaa” Ayuu ku kaftamay xidigii hore reer Argentina Hernan Crespo.
“Wey qurux badan tahay, waxaa nahay xul weyn, balse laga joogo kaliya iney gaaraan Semi Finalka 24-sano”
“Waan fahansanahay inaan nahay xul awood leh oo weyn, isla markaana ku guuleystay laba koob aduun oo hore, balse nasiib daradii noogu xumeyd waxey nagu dhacday 2002 markii aan kasoo bixi weynay grupka”
“Waxaan heysanaa hada da’yar xoog leh, xidigo maskax leh isla markaana suuragal ka dhigi kara riyadeena”
“Dhamaan sadexdii koob aduun ee aan ciyaaray, 1998, 2002 & 2006, xulkii noogu fiicnaa ee aan la ciyaaray wuxuu jiray koobkii aduunka ee 2002 balse groupka ayaan ku harnay”
Wiilasha Alejandro Sabella ayaa haatan ku jira groupka ugu jilcan iyagoo meel kula jira: Bosnia, Nigeria & Iran.