Home » Europe » Europe League » Hernan Crespo: Lionel Messi Ayaan Ka Doorbidaa Halyeeygii Hore Diego Armando Maradona

Hernan Crespo: Lionel Messi Ayaan Ka Doorbidaa Halyeeygii Hore Diego Armando Maradona


maradona-messi-top-image

Xidigii Hore Kooxaha Inter Milan, Ac Milan, Chelsea & Parma Hernan Crespo ayaa iska idha tiray waxqabadka Diego Armando Maradona oo ahaa halyeey soo maray xulka Argentina kaas oo u hogaamiyay xulkiisa Koobkii Aduunka ee 1986-dii.

Crespo oo si toos ah ay taageerayaashiisa su’aalo ugu weydiinayeen aaladda Twitter-ka ayaa ka jawaabay su’aal aheyd cida wanaagsan Messi iyo Maradona wuxuuna sheegay inuu isaga doorbido Lionel Messi marka lala barbardhigo Maradona.

Lionel Messi ayaa ku guuleystay Afartii Ballon D’Or ee ugu dambeysay sidoo kalana 21-koob ayuu la qaaday Kooxdiisa Barcelona inkastoo uusan xulka Argentina ee waaweyn uusan wali koob u qaadin.

Si Kastaba Hernan Crespo ayaa iska ilaaway wixii uu soo dhigay Maradona isagoo shaaca ka qaaday In Lionel Messi uu yahay wiil aan la gaarin.

“Leo waan lasoo ciyaaray inkastoo nasiib aanan u helin inaan la ciyaaro Maradona, Waxaan door bidaa {Lionel Messi}” ayuu yiri Hernan Crespo oo 38-jir ah.

Ugu dambeyntii Hernan Crespo ayaa shaaca ka qaaday in aan la hilmaami karin Taarikhdii Hore balse Messi uu wax badan ka sareeyo Maradona.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close