Home » Horyaalada » League 1 » Helena Costa Oo Noqotay Haweyneedii Ugu Horeesay Ee Macalin Ka Noqoto 5-Horyaal Ee Yurub Ugu Caansan!!

Helena Costa Oo Noqotay Haweyneedii Ugu Horeesay Ee Macalin Ka Noqoto 5-Horyaal Ee Yurub Ugu Caansan!!


Helena-Costa

Helena Costa oo u dhalatay dalka Portugal ayaa ku tilaabsatay heer aan laga fileyn madaama si rasmi ah haweyneedan loogu magacaabay macalimada naadiga heerka labaad Clermont Foot ee ka dhisan dalka France, aqbaartan dalka France oo kaliya ma hareynin balse Yurub oo dhan ayay madaxa ka qabsatay madaama ay gabadhan noqotay haweyneedii ugu horeesay ee macalin ka noqoto 5-horyaal ee qaarada Yurub ugu caansan (Premiership, La Liga, Bundesliga, Serie, Ligue 1).

Helena Costa oo 39-jir ah dhawaan waxay macalin u ahayd xulka gabdhaha Iran sidoo kalena waxay shaqooyin kala duwan kasoo qabatay naadiyada Benfica iy Celtic balse markaan tilaabo sare ayay hore u qaaday  madaama si rasmi ah xil cayaareedka dambe ayadoo macalin ah loogu dhex arki doono horyaalka heerka labaad ee dalka France, sidoo kale gabadhan waxay horey macalin ugu soo noqotay xulka gabdhaha Qatar balse markii ugu horeesayay ayay noqon doontaa oo ay ragg hogaamiso waxaana Helena lagu wareejiyay hogaanka naadiga Clermont Foot oo ay ku sugan yihiin 17-cayaatooy oo ragg ah sidoo kalena xidigo dhalin yar ayaa kooxdan lagu soo kordhin doonaa,

Waxaa naga xasuusin ah sanadii 1999 gabadha lagu magacaabo Carolina Morace macalinimada kooxdii heerka 3-aad ee dalka Talyaaniga Viterbese balse gabadhan shaqada kuma waarin kaliya labo kulan ayay heesay naadiga Viterbese! sidaa darted Helena Costa oo ah qof karti badan waxay wacad ku martay inaysan midaas oo kale ku dhici doonin sidoo kalena ay naadiga Clermont Foot keeni doonto heerka 1-aad ee horyaalka France waxaana si rasmi ah saxaafada loogu soo badhigi doona marka uu xili cayaareedkan dhamaado oo haatan dalka France ka harsan labo kulan oo qura.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close