Home » Europe » Europe League » Hazard Oo Ku Guuleestay laacibka Ugu Wanaagsan Belgium: Ma Ahan Midka Aad U Maleyso!!

Hazard Oo Ku Guuleestay laacibka Ugu Wanaagsan Belgium: Ma Ahan Midka Aad U Maleyso!!


Hazard


Xiriirka kubada cagta dalka Belgium ayaa u doorteen Thorgan Hazard inuu yahay xidiga ugu wanaagsan dhamaan xirfadlayaasha ka cayaaraan horyaalka Belgium waxaana si rasmi ah loogu caleemo saaray inuu yahay xidigii ug wanaagsanaa dalka Belgium sanadkii 2013 ee aan dhawaan kasoo gudubnay, Thorgan Hazard waxay walaalo yihiin Eden Hazard sidoo kalena milkiyadiisa waxaa iska leh kooxda Chelsea inkastoo uu haatan qaab amaah ahaan kula joogo naadiga SV Zulte Waregem, 20-jirkan ayaa wacdaro xoogan ka dhigay sanadkii tagay horyaala Belgium waxayna kooxdiisa ku sigatay inay horyaalka ku guuleesto inkastoo kulankii ugu dambeeyay naadiga Anderlecht.

Thorgan xili cayaareedkan wuxuu kooxdiisa u dhaliyay 9-gool sidoo kalena 11-kubadood ayuu dhiibay sidaa darteed cag dahab ah ayaa lagu gudoonsiiyay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay xidigan dhalinta yar ayaa haatan helay aqoonsi buuxo waxaana lagu wadaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan Chelsea ugu soo laabto madaama uu helay kalsooni buuxdo wiilkan lambarka 10-aad ka cayaaro ayaa ku rajo weyn inuu xulkiisa Belgium kala qayb qaato cayaaraha aduunka sidoo kalena xili cayaareedka dambe uu Chelsea dib ugu laabto asigoo siweyn ugu hami weyn inuu walaalkiis ka weyn Eden Hazard ka garab cayaaro.

Dhanka kale xiriirka dalka Holland ayaa bixiyeen abaal marino kala duwan waxaana la siiyay xidigaha hoos ku qoran:

Xirfadlaha ugu wanaagsan dalka Belgium: Thorgan Hazard (SV Zulte Waregem)

Maclinka ugu wanaagsan: Francky Dury (SV Zulte Waregem)

Goolhayaha sanadkii 2013 ugu wanaagsanaa: Silvio Proto (RSC Anderlecht)

Laacibka ugu wanaagan xidigaha reer Belgium kuwaas oo ka cayaaraan hryaalada kala duwan: Thibaut Courtois (Club Atlético de Madrid)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close