Waxaa la dhihi karaa cayaartii ugu adkeen wareega 4-aad ee Fa Cup-ka waxay dhex martay kooxaha Man Cty Vs Watford kadib markii labadan naadi ay iska dhaliyeen 6-gool cayaar la isku dhibtooday balse ugu dambeyntii Man City ayaa 4-2 ku dhaaftay dhigeeda Watford City waxayna guushan abaal weyn uga heyn doontaa Sergio Aguero oo sedexley dhaliyay, kulankan ka dhacay garoonka Etihad ayaa ku bilaawday jawi aysan fileyn taageerayaasha Man City kadib markii City 2-0 laga gaarsiiyay Fernando Forestieri iyo Troy Deeney ayaa hogaanka u dhiibeen kooxda Watford waxaana qaybtii hore lagu kala nsatay iyadoo City 2-gool lagu leeyahay.
Macalin Manuel Pelligrini ayaa soo canaantay xidigahiisa waxayna la imaadeen isbadal muuqdo qaybtii labaad ee cayaarta Sergio Aguero ayaa bilaabay goolasha 60-aad kadiba daqiiqadii 79-aad ayuu cayaarta 2-2 ka dhigay wixii markaas ka dambeeyay Watford jihada ayaa ka luntay waxaana markale cayaarta 3-2 ka dhigay Aleksandar Kolarov daqiiqadii 87-aad ugu dambeyntii Sergio Aguero ayaa kusoo qatimay sedexley markii uu cayaarta ka dhigay 4-2 daqiiqadii 93-aad.
Man City ayaa muujisay in marwalbo garoonkeeda Etihad miciyo libaax ku leedahay waxayna kooxdan u gudubtay wareega 5-aad FA Cup-ka sidoo kalena rajada uu ka qabo macalin Pelligrini inuu xili cayaareedkan ku guuleesto ayaa weli taagan waxaana hubaal ah kooxaha ilaa haatan wareega 5-aad ee FA Cup-ka u gudbeen inay dooran doonin Man City marka la sameyn doono habeen dambe qorituurka wareegan!
Waxaa Aqrisay: (208)
Mogadishu - Somalia