Goolyahaya Kooxda Manchester City Joe Hart ayaa muujiyey Sidii uu uga Xumaa Falkii ay Sameeyeen Taageerayaasha City Kulankii Manchester United ay la yeesheen Xilli Cayaareedkii Hore wuxuuna Taageeraysha ugu Baaqay inaysan Sameen Wax Rabshado ah.
Rabshadaha ay Sameeyeen Taageerayaasha City ayaa Dhacay Markii Manchester United ay 3-2 Uga Badiyeen Manchester City Garoonka Etihad Stadium Bishii Hore December.
Hart ayaa Yiri : “ Waxaan Taageerayaasha City ugu Baaqayaa inay Muujiyey Dabeecad Wanaag Maadaama Labada Koox Ay qabteen Laba Macalin oo Cusub ayna u diyaar garoobayaan Kulankoodii ugu horeeyey Ee Manchester Derby”
Hart Ayaa Ku daray : “ Taageerayaasheena Waa kuwa Ugu Fiican Adduunka Laakiin waxaa looga Baahan yahay inay dareenkooda kusoo badhigaan Qaab nabadgalyo”
“ Kulanka Manchester Derby waa Kulan adag oo adduunka oo dhan laga Sugaayo, anaga Ka Cayaaryahan ahaan aad ayaan u sugeynaa waxaana Muujin doonaa Daganaansho sidaas oo kale ayaa Taageerayaasha Looga baahan yahay”.
“ Taageerayaasha aad Gurigaaga ku heysato Muhiim ayey noo tahay, waxayna noqon doonaan Ciyaaryahano Saa’id ku noqdo Tiimka!!”
“ Mar Walba waxaan Taageerayaasheena uga baahanahay inay Ku qeyliyaan Cod dheer, Laakiin sidoo kale waxaan uga baahanahay Inaysan Sameyn Wax Shil ah, Qof Kastana waa inuu ku raaxeysaa Kulankaan Dhib la’aan”
Labadaan Koox ayaa Axad Cayaari doono kulankii ugu horeeyey ee Labadaan Koox Xilli Cayaareedkaan iyadoo ay kala wataan Laba Macalin oo cusub.
Is Daji: Joe Hart Goolhayaha Manchester City oo Taageerahaan ku Waaninayo inuu Is dajiyo
Waa Goolkii Guusha ee Robin van Persie uu u Dhaliyey United Daqiiqadii ugu dambeysay ee Cayaarta