Real Madrid ayaa gaartay finalka Champions League xili ciyaaredkaan iyadoo soo afjartay 12-sano oo aysan tagin Finalka tartanka Champions League iyadoo ugu dambeysay 2002 markaas oo ay Finalka ka qaadeen Bayer Leverkusen, caawiyaha Madrid ee haatan Zidane ayaana dhaliyay gool galay taariikhda oo ay Real ugu dabaal dagtay hanashada Champions League.
Kaliya Iker Casillas ayaa ka jooga kooxdii Real Madrid ee xiligaas qaaday tartankaas waxaana Real Madrid ay ku riyooneysaa La Decima iyadoo qarka u saaran haatan waxeyna ku raad joogtaa koobkeedii 10-aad ee Champions League.