Arsenal ayaa xaqiiqsatay booskeeda afaraad iyadoo hubtanti ay u noqotay iney Champions League kasoo qeyb galeyso xili ciyaareedka dambe kadib guuldaradii xalay la taabsiiyay kooxda Everton oo kaabiga kusoo heysa.
Arsenal oo laba kulan heysata ayaa afar dhibcood ka horeysa Everton, inkastoo kooxda Gobolka Mereyside-ka ka dhisan ay kaliya heysato hal kulan oo xitaa hadii ay guul gaarto aysan u suuragalin karin iney kaalinta afaraad gasho.
Arsenal oo galabta la ciyaareysa West Brom ayaa kulankeeda ciyaareysa iyadoon wax walwal ah ka qabin iney ka harto Champions League waxaana kooxda Waqooyiga London ka dhisan ay noqotay kooxda Afaraad ee Champions League u matali doona Dalka Ingiriiska.
ARSENAL WEY KASOO QEYB GALEYSAA KOOBKA HORYAALADA YURUB XILI CIYAAREDKA 2014/2015