Home » Maxaa Cusub » Halyeey Thierry Henry Oo Amaan Kala Duldhacay Boqorka Caawinta Arsenal Mesut Ozil

Halyeey Thierry Henry Oo Amaan Kala Duldhacay Boqorka Caawinta Arsenal Mesut Ozil


Mesut-Ozil

Halyeeygii hore Arsenal Thierry Henry ayaa amaan aan loo meel dayin kala duldhacay xidiga reer Jarmal iyo kooxda Gunners Mesut Ozil kadib xili ciyaareed aan caadi aheen oo uu ku qaatay xidigaan garoonka Emirates Stadium.

26-jirkaan ayaa xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay kooxda ku jahawareeray iyadoo uu kooxda lacago badan ugu yimid September 2013, balse xagaagii dhamaaday wuxuu muujiyay awoodiisa.

Si kastaba tayada uu xidigaan leeyahay waxey Arsenal ka saaciday inuu xili ciyaareedkii labaad u qaado FA Cup, sidoo kalana uu kaalinta sadexaad ee horyaalka ugu dhameeyo si awood leh.

“Mesut waa xidig wanaagsan, waan garaneynaa dhamaanteen tayadiisa, waana garan karnaa waxa uu garoonka ka sameyn karo” Ayuu Henry u sheegay website-ka Gunners, “Waa xidig ku guuleysto Koob Aduun, waa inaan ku xushmeyno aragtidiisa”

“Marka aad heysato Giroud oo xerada ku jira, Sanchez oo ku ordaya dadka dhexdooda iyo Walcott oo la mid ah, Mesut wuxuu baaska ku dili karaa ciyaarta, sidoo kalana Cazorla ayaa sidoo kale sameyn kara”

Ugu dambeyntii Henry ayaa aaminsan in Mesut uu yahay xidiga aan la celin karin isla markaana cajiib ah wuxuuna xagaagii dhamaaday dhaliyay 5-gool.

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>