Halyeegii hore ee xulka Brazil Ronaldo ayaa ku booriyay wiilka dahabiga ah James Rodriguez oo ay isku heestaan kooxaha Yurub ugu caansan inuu Real Madrid ku biiro, 22-jirkan wacdaraha ka dhigay koobka aduunka haatana 6-gool ka dhaliyay inkastoo xulkiisa Colombia wareega 8-aad ku hareen hadana waxaa loo sadaalinaa inuu qaadan doono abaal marinta Golden Ball oo la siiyo xidiga koobka aduunka ugu wanaagsan sidaa darteed James oo la isla arkay waxqabadkiisa aadka u sareeyo waxaana fariin gaar ah u diray halyee Ronaldo wuxuuna yiri
“Real Madrid waa naadiga aduunka ugu wanaagsan haatana James Rodriguez waa xidig soo ifbaxaayo sidaa darteed aadbay isugu fiicnaan lahaayeen inay wada shaqeyaan waxaan James ku boorin lahaa inuusan dalabka Madrid iska diidin”
Inkastoo saxaafada aduunka hadal heyso in kubad sameeyahan ay kooxda Real Madrid qal qaalo xoogan ugu jirto saxiixa James hadana Ronaldo ayaa sheegay inuusan arinkaas ka warqabin wuxuuna yiri
“waxba makala socdo xiisaha ay Madrid u qabto James balse waxaan ogahay laacib walbo oo aad u wanaagsan in Real ay jeceshahay saxiixiisa sidaa darteed la yaab mahan in Real ay ku raad joogto saxiixa James waxaana hubaa in xidigan uu siweyn ugu soo shaac bixi doono shaxda macalin Carlo Ancelotti hadii ay Real Madrid xagaagan ku guuleesato saxiixiisa”
James oo ka tirsan naadiga Monaco ayaa haatan ka mid ah xidigaha aduunka ugu wanaagsan waxayna saxaafada hadal heysaa in Real Madrid ay laacibkan ku badi goobeyso 75-milyan oo euro ah inkastoo ay kooxdiisa sheegtay inuusan beec ahayn.
Profile