Home » Horyaalada » La liga » Halyeegii hore Ee Real Madrid Fernando Hierro Oo U Mahad Celiyay Carlos Puyol

Halyeegii hore Ee Real Madrid Fernando Hierro Oo U Mahad Celiyay Carlos Puyol


Heiro and puyol

Halyeegii hore ee xulka Spai iyo kooxda Real Madrid Fernando Hierro ayaa iska iloobay xifaaltanka ka dhaxeeyo xidigaha kooxaha Barcelona iyo Real Madrid wuxuuna Hierro amaan balaaran kala dul dhacay ruug cadaa Carlos Puyol oo todobaadkan garoomada faarujin doono, madaama Puyol oo mudo dheer kubada cagta kusoo jiray sidoo kalena la filaayo in kooxdiisa Barcelona ay u sameyso sagootin heer caalami ah waxaa arinkan ka hadleen dhamaan dadka ehelka u ah kubada cagta sidaa darteed Fernando Hierro oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu miisaanka culus kubada dalka Spain ayaa dhankiisa fariin diray Puyol wuxuuna yiri “waxaa jiro xidigo fara ku tiris ah kuwaas oo mustaqbalkooda cayaareed hal naadi u hibeeyen dabcan Puyol shaqsiyaadkaas wuu ka sareeyaa madaama maalinkii uu kubada bilaabay ila haatan uu si isku mid ah Barcelona ugu hal gamaayay waxaana leeyahay geesi weyn ayaa garoomada faarin rabo!

Sidoo kale Fernando Hierro ayaa mudo daawanaayay heerarkii uu soo maray Carlos Puyol ayaa soo hadal qaaday waxqabadka gaarka ah ee uu ruug cadaagan soo bandhigay wuxuuna yiri “Puyol wuxuu si gaar ah iiga farxiyay koobkii aduunka 2010 habeenkii uu Jarmalka ka dhaliya goolkii awooda badnaa kaasi oo noo suura galiyay inaan Finalka u gudubno kadibna aan koobka qaadnos sidoo kalna habeeno badan ayuu Barcelona naftiisa u huray waxaan oran kara waa xidig habeenka loo baahan yahay soo bandhigo cayaar dadka qalbigooda ka bixin!” ugu dambeyntii Fernando Hierro ayaa soo jeediyay in Carlos Puyol loo mahad celiyo sidoo kalena waxqabadkiisa cayaareed mudo dheer lasi hadal haayo madaama uu waayo qurux badan kubada cagta kusoo qaatay.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close