Halyeegii hore ee kooxda Man United Andy Cole ayaa ka hadlay arinka xiisaha badan ee haatan ka dhex taagan gudaha garoonka Old Trafford madaama aan a hubin cayaaryahanka xiga ee kabtanka Man United xiran doono waayo kabtan Namenja Vidic bilawgii bishii June ayuu si rasmi ah kooxda Inter Milan ugu biiray sidaa darteed saxaafada dalka England ayaa hadal heyso in Robin Van Persie uu kabtanimada Man United la wareegi doono sidoo kalena macalin Luis Van Gaal ayaa soo jeediyay in RVP kabtanka United lagu waraajiyo balse Andy Cole arinkaas lama qabo wuxuuna yiri “Robin kaliya 2-sano ayuu Man United ka tirsan yahay waxaa kooxda ku sugan xidigo 10-sano Old Trafford kasoo muuqanayeen sidaa darteed siyaasada United aan ku aqiinay hadii la tixgalinaayo Robin ma noqon doonon kabtanka United!”
Sidoo kale Andy Cole ayaa dhaliilay sida ay haatan wax u socdaan madaama aan la aqoonin kabtanka xiga ee Man United wuxuuna yiri “marnaba xaaladan oo kale kooxda masoo marin waayo waayaheenii kabtan kowaad, labaad iyo xitaa sedexaad ayay United laheyn mana jirin muran ku aadan qofka kabtan noqon doono in saxaafada loo gudbiyo sidaa darteed wax badan ayaa isbadal!” marka laga reebo Van Persie sidoo kalena kabtanka kooxda Man United waxaa lala xariirina Wayne Rooney balse Andy Cole ayaa iska diiday inuu cayaaryahan gaar ah soo jeediyo in loo dhiibo kabtanimada Man United wuxuuna sheegay inuu tixgalin doono go’aanka uu qaadan doono tababare Van Gaal oo hogaanka Man United la wareegi doono dhamaadka bishan July.
Profile