Manchester United ayey macquul tahay iney wadahadalo la yeelato garabka kooxda Benfica Nicolas Gaitan sida uu ka dhawaajiyay wakiilka xidigaan.
Wargeyska A Bola la yiraahdo ee kasoo baxa Portugal ayaa qoray in Jose Irribarran oo ah wakiilka Gaitan uu ka dhawaajiyay in 27-jirkaan heerka caalami ay macquul tahay inuu ku biiro Man United isla markaana la filayo wadahadalo dhexmara xidiga iyo kooxda iney qabsoomaan.
“Wax walba ayaa macquul ah, waxaa jira wadahadalo la filayo iney nala yeelato Man United” Ayuu yiri Irribarran oo la hadlayay A Bola.
“Xidiga wuxuu doonayaa in wax walba si fudud lagu dhameeyo oo sooragal ah, waxaan jawaab ka sugeynaa madaxweyne ku xigeenka kooxda, wax kale arintaan kama dhihi karo”
Sida laga fahmay hadalka Jose Irribarran in Nicolas Gaitan uu wadahadal la galo Manchester United waxey ku xiran tahay inuu fasax ka helo madaxwyene ku xigeenka kooxda benfica.
Ugu dambeyntii Manchester United si aad ah ayaa loola xiriirinayaa xidigaan heerka caalami kaas oo xagaagii ugu dambeeyay qaab qurux badan kusoo bandhigay kooxdiisa.