Home » Maxaa Cusub » Halkee Ayuu Ka Dhici Doonaa Finalka Italian Super Cup Ee Dhexmari Dona Juventus & Napoli

Halkee Ayuu Ka Dhici Doonaa Finalka Italian Super Cup Ee Dhexmari Dona Juventus & Napoli


supercoppa490ai_7

Warar hor leh oo laga helayo dalka talyaaniga ayaa qeexaya in Finalka Koobka Italian Super Cup ee dhexmari doona kooxda Juventus iyo Napoli lagu ciyaari doono meel ka baxsan qaarada yurub.

Koobkaan waxaa la qabtaa bisha December iyadoo ay ku tartamaan kooxda horyaalka ku guuleysta iyo kooxda ku guuleysata koobka [Coppa Italia] waxaana sanadkaan lagu ciyaari doonaa dalka Qatar.

Sanadkii ugu dambeeyay koobkaan waxaa lagu ciyaaray magaalada Beijing ee dalka Shiinaha, balse waxey u muuqataa ineysan suuragal aheyn waqtigaas sabab la xiriirta Koobka Aduunka iyo balanqaadyada hordhaca ah ee kooxda Napoli ee Champions League”

Sidoo kale kadib markii dhibaato ka dhacday finalkii Coppa Italia ee kooxaha Fiorentina iyo Napoli ee ka dhacay Olympico Stadium haatan waxaa laga saaray garoomada caadiga ah ee loo qorsheynayo kulamada muhiimka ah.

Sida ay shaacisay Jariiradda  Il Mattino qorshahaan cusub ayaa qeexaya in koobka lagu ciyaaro Qatar 23-ka December.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close