Home » Europe » Champions League » Guushii Real Kadib Maxaa Kusoo Kordhay Buuga Iskoorada Koobka Horyaalada Yurub [Champions League]

Guushii Real Kadib Maxaa Kusoo Kordhay Buuga Iskoorada Koobka Horyaalada Yurub [Champions League]


article-2638187-1E2C87BB00000578-895_634x456

Lama soo koobi karo iskoorada koobka horyaalada Yurub balse guushii xalay ee Real Madrid gaartay wax badan ayay ka badashay koobkan xiisaha badan iskoorada iyo guulaha gaarka ah ee horey loo dhigay sida darteed xalay Lisbon cayaartii ka dhacday maxay soo kordhisay hoos kaga bogo:

  • Laga soo bilaabo sanadii 1992 markii UEFA Champions League tartankan loo bixiyay dalka Spain ayaa ah midka ugu guulaha badan waxayna kooxaha reer Spain tartan hanteen 7-jeer (1998, 2000, 2002, 2006, 2009, 2011 iyo 2014) halka kooxaha reer Talyaani ay qaadeen 5-jeer (1994, 1996, 2003, 2007 iyo 2010) sidoo kale kooxaha reer England waxay qaadeen 4-jeer (1999, 2005, 2008 iyo 2012) halka kooxaha Jarmalka ay iyagana qaadeen 3-jeer (1997, 2001 iyo 2013)
  • Laga soo bilaabo sanadii 1992 kooxaha Real Madrid ayaa tartankan hanatay 4-jeer halka AC Milan iyo Barcelona ay min 3-jeer qaadeen.
  • Guud ahaan marka laga hadlaayo koobka Yurub laga soo bilaabo 1956 kooxaha reer Talyaani waxay kama dambeesta tartankan soo gaareen 26-jeer waxayna ku guuleesteen 12-ka mid ah sidoo kale England 19-final ayay imaadeen kooxahooda waxayna qaadeen 12-jeer , laakiin Spain waxay imaadeen 23-Final ayadoo qaadeen 14-jeer halka kooxaha Jarmalka ay soo gaareen kama dambeesta tartankan 17-jeer balse 7-jeer ayay qaadeen!
  • Cayaartii Xalay ayaa noqotay Finaalkii 16-aad ee lagu daro waqti dheeri ah waxaana xusid mudan in 11-ka mid ah Finalayaash lagu kala baxay 30-daqiiqo ee lagu daray halka 5-kalena rigoorooyin lagu kala baxay.
  • Cristiano Ronaldo ayaa noqday cayaaryahanki 4-aad ee labo final gool dhaliyo wuxuuna iska bar bareeyay Raúl González (Madrid 2000/2002), Samuel Eto’o (Barcelona 2006/2009) iyo Lionel Messi (Barcelona 2009/2011) oo horey min labo Finaal goolal u dhaliyeen.
  • Macalin Carlo Ancelotti ayaa bar bareeyay iskoor u yiilay macalinkii hore ee kooxda Liverpool Bob Paisley kaasi oo horey 3-jeer koobka horyaalada Yurub ugu guuleestay!
  • Sidoo kale macalin Ancelotti ayaa ka mid noqday liiska macalimiinta nasiibka badan kuwaas oo labo naadi oo kala duwan Champion-ka u qaadeen waxaana horey iskoorkan u heesteen Ottmar Hitzfeld (Dortmund 1997, Bayern 2001), Ernst Happel (Feyenoord 1970, Hamburger SV 1983), José Mourinho (FC Porto 2004, FC Internazionale Milano 2010) iyo Jupp Heynckes (Real Madrid 1998, Bayern 2013)

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close