Masuulka ugu sareeyo kooxda Inter Milan Erik Thohir ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa lacagaha ay ku qarash gareesan soo xero galinta Geoffrey Kondogbia ay tahay mid ay wax badan ku faaa’iidi doonaan.
Xidiga reer France ayaa naadiga Monaco isaga hayaamay wuxuuna doortay ku biiritaanka Inter Milan xili ay AC Milan dalab sareeyo diyaar ula ahayd.
Waxaa la sheegay in Inter Milan ay kusoo qaadatay xidigan khadka dhexe ku wanaagsan €40 million wuxuuna qalinka ku duugay 5-sano sidoo kalena sanad walbo €4m ayuu mushaar ahaan u qaadan doonaa.
Gudoomiye Erik Thohir aya arinkan ka hadlay wuxuuna yiri “Kondogbia waa xidig aad u wanaagsan sidoo kalena hormar sareeye sameeyay sanadihii dhawaa waxaana ku kalsoonahay inuu Inter Milan wax badan kusoo kordhin doono”
Dhanka kale gudoomiye Thohir ayaa sheegay inay Yaya Toure ka doorteen Kondogbia asigoo arinkan ka hadlaayo wuxuu yiri “Kondogbia waa xidig ka dhalin yar Yaya Toure sidoo kalena mustaqbalka ka wanaagsan karo Toure”
“Waxaana ku farxay sida ay taageerayaasha Inter xidigan usoo dhaweeyeen taasi oo ka dhigan inay kalsooni weyn ku qabaan”
Ugu dambeyntii gudoomiye Thohir ayaa sheegay in kooxdiisa Inter Milan aysan suuqa Yurub ka bixi doonin sidoo kalena ay cayaartooy dheeri ah lasoo saxiixan doonaan.