Home » Maxaa Cusub » Gudaha Arsenal Oo Xasilooni Daro Laga Sheegay Madaama Xidig Muhiim U Ah Uu Doonayo Inuu Baxo

Gudaha Arsenal Oo Xasilooni Daro Laga Sheegay Madaama Xidig Muhiim U Ah Uu Doonayo Inuu Baxo


Gunner

Macalin Arsene Wenger dhawaan heshiis cusub ayuu qalinka ku duugay sidoo kalena wuxuuku mashquulsan yahay inuu soo xero galiyaha xidigaha bartilmaameedka u ah kooxdiisa Arsenal balse macalinkan haatan mashaqo hor leh ayaa looga sheegay inay k jirto gudaha garoonka Emirates madaama xidigiisa ugu muhiimsan Aaron Ramsey uu go’aankiisa badalay haatana doonayo inuu xagaagan Arsenal isaga hayaamo.

Xidiga reer Wales ayaa qirtay inuusan diidi karin dalabyada wanaagsan oo ay usoo direen kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona, xidiga reer Wales isaga ayaa sabab u ahaa in Arsenal ay xili cayaareedkan koobka horyaalada Yurub usoo baxdo waayo markii uu kasoo kabtay dhaawacii uu mudada dheer garoomada kaga maqna kooxdiisa guulo xariir ah ay gaartay.

Inkastoo Ramsey uu muujiyay rabitaankiisa ku aadan inuu Arsenal isaga hayaamo hadana macalin Arsene Wenger ayaa la aaminsan yahay inuusan xidigan fasix doonin sidoo kalena jawaab diidmo ku dheehan u diri doono kooxaha Bayern Munich iyo Barcelona.

Shaqsi aad ugu dhow Ramsey ayaa Football Direct News u sheegay in 22-jirkan uu ka niyad jabsan yahay kooxdiisa uu xili cayaareedkii dhamaaday ku guul dareesatay hanashada, balse macalin Arsene Wenger ayaa sheegay inuu kooxdiisa dib u dhisi doono sidoo kalena uu £100 million suuqa Yurub ku qarash gareyn doono waxaa macquul ah in Wenger uu Ramsey ku qanciyo dadaalka ay kooxdiisa ugu jirto inay dib isku dhisto taasina waxay sababi kartaa xidigan inuu go’aankiisa markale badalo.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close