Home » Horyaalada » La liga » Guardiola Oo Aaminsan In Luis Enrique Uu Barcelona U Hogaamin Karo Waqti Ka Fiican Waqtigiisii

Guardiola Oo Aaminsan In Luis Enrique Uu Barcelona U Hogaamin Karo Waqti Ka Fiican Waqtigiisii


ENrique

Macalinka haatan ee Bayern Munich Pep Guardiola ayaa ka dhawaajiyay in Luis Enrique uu yahay shaqsi ku haboonaa Barcelona isla markaana uu sameyn doono taariikh ka badan midii uu ka sameeyay garoonka Camp Nou.

Pep Guardiola ayaa Barcelona gacanta u galiyay 14 Koob, sanadihii 2008 – 2012, waxaana ku jira sadex horyaal oo La Liga ah, iyo Laba Champions League wuxuuna aaminsan yahay in sanado kale oo guulo ah uu Enrique bilaabi doono xagaagan.

“Dabcan wuu i hilmaansiin karaa Barcelona, waxaan filayaa inuu iga sareeyo, wuxuuna qaban karaa mid ka wanaagsan shaqadii aan u qabtay Barcelona” Ayuu ugu waramay SPORT.

“Waa muhiim in Barcelona ay mar kale hesho kalsooni u gaar ah, falsafadii aan ku habeynay kooxda Waxey ila tahay inaan u jeedno waqtiga Luis Enrique”

Guardiola iyo Luis Enrique ayaa waqti fiican iskula qaatay iyagoo ciyaartoy ah kooxda Barcelona intii u dhaxeysay 1996 – 2001, inta uusan Pep ka tagin kooxda una guurin kooxda Brecia.

Luis Enrique wuxuu hayay maamulka kooxda yaryar ee Barcelona B markii uu Guardiola maamulayay kooxda Barcelona ee waaweyn, inkastoo uu gadaal kasoo maamulay kooxaha As Roma & Celta Vigo ka hor intaan loo magacaabin macalinka cusub ee Barcelona.

PEP GUARDIOLA & AFARTIISA SANO EE BARCELONA

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close