Home » Maxaa Cusub » Group B Oo Lagu Kala Baxay, Xili Chile Ay Soo Idleysay Tiki-Taka Kana Dirtay Koobka Aduunka Spain

Group B Oo Lagu Kala Baxay, Xili Chile Ay Soo Idleysay Tiki-Taka Kana Dirtay Koobka Aduunka Spain


Spain waaye

Mucjisada Koobka Aduunka ayaa wali socota iyadoo wadankii difaacanayay tartankaan uu noqday xulkii labaad ee ka hara koobka Aduunka isago raacay xulka Australia oo ay isku qeyb ku jiraan kuwaas oo iyagana guuldaro kala kulmay Netherlands, taasoo ka dhigan in group B lagu kala baxay waxaana banaanka is keenay Holland iyo Chile kuwaas oo leh min 6-dhibcood.

Wiilasha Chile ayaa ku raaxeystay xulka difaacanaya koobka ee Spain iyago ku qaarijiyay 2-0, waxaana labada gool ay yimaadeen qeybta hore ee ciyarta.

Eduardo Vargas ayaa bilaabay bandhiga Chile kaas oo daqiiqadii 20-aad goolka hore ugu shubay xulka Spain, waxaana u labeeyay Charles Aranguiz oo isna dhamaadkii qeybta hore ka dhigay 2-0.

Si Kastaba natiijada ciyaarta ayaa ka dhigan in Tiki-Taka ay soo dhamaatay iyadoo Spain ay aadi doonto Gurigooda waxeyna kulan sharafeed wada ciyaari doonaan xulka ay isku wadada qaadi doonaan ee Australia.

Xulalka Holland iyo Chile ayaa noqday labadii xul ee ugu horeeyay ee soo gaara wareega 16-ka koobka Aduunka, sidoo kalana Spain iyo Australia ayaa noqday labadii xul ee ugu horeeyay ee boorsooyinkooda xir-xiran doona Brazil.

Sidoo kale Spain ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ah difaacdaha koobka Aduunka kaas oo laba kulan oo xiriir ah laga adkaado koobka Aduunka furitaankiisa.

Xulalka Holland iyo Chile ayaa ciyaari doona kulan ay xul walba u ordeyso kaalinta koowaad madama galitaanka kaalinta koowaad ay muhiimad u leedahay isku aadka wareega 16-ka ee Koobka Aduunka.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close