Home » Falanqeynta » Group A: Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Aduunka Brazil vs Croatia

Group A: Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Aduunka Brazil vs Croatia


Brazil-vs-Croatia-2014-World-Cup-Group-A-Match-Wallpaper

WARBIXINTA KULANKA:

Tartanka: FIFA World Cup 2014

Taariikhda/Saacada: June 12, 2014, 11:00 PM Habeenimo

Goobta: Arena Corinthians, São Paulo, Brazil

Garsooraha: Yuichi Nishimura (Japan)

Ugu dambeyntii caawo waxaa daaha laga rogi doonaa kulanka ugu horeeyo FIFA World Cup 2014 oo dhacdo dhamaanteena aan wada sugeynay waxaana lagu bilaabi doonaa Brazil Vs Croatia sidaa darteed kulankan gaar uma ahan labadan xul sidoo kalena dunida oo idil ayaa wada sugeesay, dalka Brazil oo ah martigaliyaasha tartankan sidoo kalena ah xulka ugu guulaha badan taariikhd tartankan ayaa damcsan inay waji wanaagsan ku af bilaabaan koobka aduunka halka Croatia oo ku caan baxeen inay xulalka tunka weyn ka naxsadaan waxayn doonayaan markale dunida inay ka marqaati kacdo inay fajac hor leh sameyn karaan.

Macalin Luiz Felipe Scolari wuxuu xidigahiisa ka dalbaday inay guul ku daah furaan cayaaraha aduunka waayo 64-sano ka hor Brazil markii ay tartankan martigalisay guuldaro  ayay ku bilaawday sidaa darteed wiilasha xulkan waxaa saaran cadaadis xoogan, geeska kale macalinka xulka Croatia Niko Kovac isaga wuxuu doonayaa inuu kulankan kusoo galo si dagan sidoo kalena xidigahiisa aysan dareemin cadaadis  xoogan madaama aanan wax badan laga fileyn sidaa darteed waxaa isku soo beegmeyn labo xul oo midi shacabkiisa guul kaga fadhiyaan iyo xul mel fog ka yimid oo aan cadaadis saarneyn!

Aqbaar Ku Saabsan Xidigaha Labadan Xul:

Macalin Scolari walaac badan ma qabo waa jugii fududeed ee maalmo ka hor Neymar gaartay ma noqon mid halis ah waxaana lagu wadaa xidigan in kulankan lagu soo bilaabo, kaliya Oscar oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan Brazil ayaa lagu cadaadinayaa macalin Scolari inuu fariisiyo badalkiisana uu kusoo bilaabo Willian balse midaas ma dhici doonto madaama macalinkan uu horey u sheega in 11-xidig uusan waxba ka badali doonin.

Dhanka Croatia macalinkooda Niko Kovac wuxuu marhore ku tashtay in Mario Mandzukic uusan u cayaari doonin madaama xidigan kaarka cas uu qaatay kulankii ugu dambeeyay isreeb reebka koobka aduunka sidaa darteed ganaax ayuu ku maqnaan doona waxaana booskiisa buuxin doono ruug cadaa Ivica Olic dhibaatada Croatia intaas kuma eko sidoo kale waxaa shaki weyn ku jiraa inuu safan karo Danijel Pranjic oo dhaawac qabo sidaa darteed daafacan garabka bidix waxay u badan tahay inuu kulankan adag seego.

Xog Ku Saabsan Furitaanka koobka aduunka:

  • Taariikhda koobka aduunka marnaba ma dhicin wadanka martigalinaayo kulankiisa ugu horeeyo inuu guuldareesto waxaana horey loo arkay 20-kulan oo ay xulalkii hore u martigaliyeen koobka aduunka bilawgiisa cayaareen inay guuleesteen 14-ka mid ah halka 6-kulan kalena ay bar bar dhac ku kala baxeen sida darteed Brazil inay kulankan guuleesato ayay u badan tahay.
  • 64-sano ka hor Brazil markii ay koobka aduunka martigalisay kulankeedii ugu horeeyay waxay guuldaro 4-0 kala kulantay xulka Mexico sanadii 1954.
  • 8-kulan ee ugu dambeesay ee koobka aduunka lagu daah furay ugu yaraan hal gool iyo wixii ka badan ayaa la iska dhalinaayay sidaa darteed caawo 0-0 inuu kulankan ku dhamaado ha filanin!
  • Brazil waxay ka qayb qaadanayaan koobka aduunka markoodii 20-aad waana xulka kaliya ee tartan walbo soo xaadiray!
  • Brazil guusha ugu badan tartankan iyada ayaa gaartay taariikh ahaan waxayna guuleesatay 67-jeer halka goolasha ugu badan tartankan ay iyada dhalisay waxayna dhaliyeen 210-gool.
  • Brazil guuldaro ay kala kulanto qaybaha Guruubka waxaa ugu dambeesay sanadii 1998 waxayna 2-1 guuldaro kala kulmeen Norway.
  • Croatia kaliya 11-gool ayaa laga dhaliyay 13-kulan oo ay koobka aduunka cayaareen.
  • Croatia 9-kulan ee ugu dambeeyay oo ay koobka aduunka cayaartay waxaa ka dhalatay 9-kaarka casaanka ah sidaa darteed caawo waa macquul in kulankan calaamada casaanka ah la bixiyo.

Guud Ahaan Kulamada Ay Labadab Xul Wada cayaareen:

Labadan xul waxay wada cayaareen guud ahaan 2-kulan mid ka mid ah koobkii aduunka 2006 ayay ku kulmeen qaybta guruubyada waxaana habeenkaas 1-0 guusha ku raacday Brazil weliba Kaka ayaa goolka u dhaliyay halka kulanka kale oo ahaa mid saaxiibtinimo bar bar dhac ayay ku kala baxeen.

Xidigaha Kulankan Isha Lala Raaci Doono:

Neymar (Brazil): 22-jirkan marka uu xiran yahay maaliyada xulkiisa lama celin karo sidaa darteed caawo ka filo inuu reer Croatia nasiino u diido sidoo kalena reer Brazil isaga ayay soo caleemo saartaan hana iloobin Neymar inuu xulkiisa u dhaliyay 31-gool asigoo u saftay 48-kulan sidaa darteed caawo goolka ay reer Brazil ku farxi karaan isaga ayaa laga wada sugi doonaa.

Luka Modric (Croatia): 28-jirkan tayada wanaagsan dhawaana Real Madrid kula guuleestay Koobka horyaalada Yurub wuxuu leeyahay waayo aragnimo ku filan madaama xulkiisa kala qayb qaatay sedex tartan oo heer caalami ah (FIFA World Cup 2006, Euro 2008 & Euro 2012), sidoo kalena xulkiisa wuxuu u saftay 75-kulan asigoo u dhaliyay 8-gool sidaa darteed caawo Croatia waxa ay damacsan tahay Modric oo kaliya ayaa u sameyn karo.

Line Up-ka Macquulka Ah oo ay labadan xul kusoo gali doonaan caawo:

Brazil: Cesar, T. Silva, Luiz, Marcelo, Alves, Gustavo, Paulinho, Oscar, Hulk, Neymar, Fred.

Croatia: Pletikosa, Corluka, Lovren, Srna, Vida, Modric, Vukojevic, Rakitic, Kovacic, Perisic, Olic

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Group A: Hordhaca Kulanka Furitaanka Koobka Aduunka Brazil vs Croatia

  1. c kariim Qalinle Reply

    June 12, 2014 at 9:25 AM

    Aad iyo aad ayaa loo falanqeeyay inkastoo xaga Brazil aad ku dheeraateen world-cup waa world-cup wax kastaa ka filo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close