Liverpool ayaa dhameystiri doonta heshiiska xorta ah ee goolhayaha reer Spain Victor Valdes hadii xidigaan uu ku guuleysto tijaabada caafimaad ee ay marsiin doonaan marka uu soo bogsoodo.
Waqtiga uu bogsoonayo Valdes ayaa ah bisha October iyadoo kooxda Liverpool oo xidigaanlala xiriirinayay intii uu suuqa furnaa la saxiixan doonta maadama uu yahay xidig aan koox la joogin sharciga ayaana u ogolaanaya inuu kooxduu rabo ku biiro.
Sidoo kale xidigaan waxaa si ba’an loola xiriirinayay kooxda As Monaco ee dalka Faransiiska balse haatan waxey sheekada u muuqataa inuu kusii dhawaanayo ku biiritaanka kooxda Liverpool.
Jariiradda Spain kasoo baxda ee AS ayaa ku dhawaaqday in Valdes uu ku biirayo Liverpool, waase hadii uusan ku dhicin tijaabada caafimaad oo ah shuruuda ugu horeysa.
Si lagu helay war hordhac ah xidigaan wuxuu qalinka ugu duugi doonaa kooxda Liverpool heshisi hal sano ah madama uu yahay 32-jir.