Home » Maxaa Cusub » Goolhaye Willy Caballero Oo Ku Dhaw Inuu Ku Biiro Kooxda Manchester City

Goolhaye Willy Caballero Oo Ku Dhaw Inuu Ku Biiro Kooxda Manchester City


Willy Caballero

Manchester City ayaa qarka u saaran iney dhameystirto heshiiska goolhayaha kooxda Malaga Willy Cabellero sida ay fahantay il wareedka Goal.com ee caalamig ah.

Goolhayahaan da’da ah ee reer Argentina ayaa 24-ka saac ee soo socda u duuli doona magaalada Manchester si uu caafimaad ugu maro kooxda uu hogaamiyo macalinkiisii hore Manuel Pelegrini wuxuuna qalinka ku duugi doonaa heshiis sadex sanadood ah oo uu ku joogayo Etihad Stadium.

Sida ay xaqiijineyso Goal.com labada kooxood ee Manchester City iyo Malaga ayaa ku heshiiyay 8 Malyan Oo Euro, kooxda Malaga ayaa iska soo dhiibi doonta goolhayaheeda waaya araga ah ee saftay in ka badan 100 kulan horyaalka La Liga tan iyo markii uu Elche kaga soo biiray sanadii 2011.

Manchester City ayaa ku raad joogtay goolhaye labaad oo badal u noqda Joe Hart madama Pantalimon oo qandaraaskisa uu dhacay xagaagan uu u biiray kooxda Sunderland.

Willy Caballero oo Manuel Pellegrini kala soo shaqeeyay Malaga ayaaba filanaya inuu booska koowaad kala baxo Hart oo qaab ciyaareed aan fiicneen soo bandhigay koobkii Aduunka.

Si Kastab Caballero ayaa noqon doona xidigii afaraad ee City ay la saxixato kadib Bacary Sagna, Fernando, Zuculini.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close